Hordhac
Muqdisho waa caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana xarunta ugu weyn ee siyaasadeed, dhaqaale, iyo dhaqan. Iyadoo ay sidaas tahay, haddana magaalada waxa ay la tacaaleysaa dhibaatooyin badan oo la xiriira in aysan lahayn maamul dhameystiran, faragelin siyaasadeed, iyo maqnaanshiyaha sharci qeexaya maqaamkeeda.
Maqaalkaan waxaan ku iftiimineynaa mudnaanta ay leedahay in Muqdisho loo aqoonsado inay noqoto magaalo dowlad-goboleed ah (City-State) oo leh awood sharci-dejin, fulin, iyo garsoor u gaar ah, sida ay u leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka iyadoo la ilaalinayo dareenka midnimada qaranka. Tani waxay noqon kartaa furaha lagu xallin karo caqabadaha Muqdisho ka taagan, laguna horumarin karo adeegyada bulshada, amniga, iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
-
Wadciga iyo caqabadda jirta
Muddo dheer, Muqdisho waxaa laga xukuma Maamulka Gobolka Banaadir oo hoos yimaada Xafiiska Madaxweynaha. Ma jiro sharci qeexaya maqaamkeeda sida dowlad-goboleed, taasoo keentay:
- Khilaaf iyo jahawareer ku saabsan awoodaha maamulka iyo miisaaniyadda;
- Faragelin siyaasadeed oo aan kala joogsi lahayn;
- Qorshe la’aan xagga horumarinta magaalooyinka;
- Cabasho bulsho oo salka ku haysa in dadka reer Muqdisho aanay helin matalaad siyaasadeed oo cadaalad ah.
Haddii xaaladdan aan la xallin, waxay sii wiiqi doontaa kalsoonida shacabka, waxqabadka dowlad dhexe, iyo hirgalinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya.
-
Ujeeddooyinka siyaasadda
Ujeeddooyinka qormadaan siyaasadeed waa:
- In Muqdisho loo aqoonsado magaalo dowlad-goboleed ah (City-State) oo leh sharciyad buuxda.
- In Muqdisho ku yeelato matalaad siyaasadeed oo buuxda labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.
- In maamulka magaalada lagu saleeyo doorashooyin dimoqraadi ah iyo matalaad deegaanka.
- In la hormariyo adeegyada, amniga, iyo wax ka qabashada baahiyaha degmooyinka gudaha magaalada.
-
Saldhigga dastuuriga ah
Qodobka 9aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu tilmaamayaa in Maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya go’aan looga gaari doono dib-u-eegidda Dastuurka, iyo in sharci gaar ah ay ka soo saari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Qodobka 49 (1) ee dastuurka KMG wuxuu qorayaa sidan: Tirada iyo xuduudaha dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Haddaba Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iska leh go’aaminta iyo sharciyeynta dhismaha iyo unkidda maamul goboleed kasta ee cusub. Sidaas darteed, maqaamka magaalada Muqdisho waxaa lagu go’aamin doonaa sharci gaar ah oo uu meel mariyo Baarlamaanka Federaalka.
Tani waxay fure u tahay siinta Muqdisho sharciyad maamul u gaar ah oo u dhiganta sida Berlin (Germany), oo leh status gaar ah oo ay ku maamusho arrimaheeda iyadoo la ilaalinayo midnimada qaranka.
-
Qaab-dhismeedka maamul ee la soo jeedinayo
Fulinta:
- Madaxweynaha Magaalada (ama Maayarka Guud), oo si toos ah ay u doortaan shacabka Magaalada.
- Golaha Fulinta oo uu magacaabo Maayarka, isla markaana ansixiyo Golaha Wakiilada Magaalada.
Sharci-dejinta:
- Golaha Wakiilada Magaalada oo ka kooban xubno laga soo doortay degmooyinka gobolka, lehna awood sharci-dejin maxalli ah.
Garsoorka:
- Maxkamado u gaar ah magaalada, oo la jaanqaadaya nidaamka garsoorka ee heer federaal.
Amniga:
- Boolis u gaar ah magaalada, hoos tagaya maamulka rayidka ah ee Magaalada Muqdisho.
-
Faa’iidooyinka muhiimka ah
- Dhexdhexaadnimo siyaasadeed: Muqdisho waxay noqon kartaa magaalo u adeegta dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo aan lagu xirin awood siyaasadeed oo gaar ah.
- Maamul wanaag: Awoodaha iyo waajibaadka waxaa si cad u kala xadidi doona sharci gaar ah, taasoo meesha ka saaraysa isku dhacyo awoodeed.
- Horumar dhaqaale: Maqaam rasmi ah wuxuu sahlayaa in la helo maalgelin caalami ah, kobaca dhaqaalaha, iyo canshuuro maxalli ah.
- Ka Qaybgal dimoqraadi ah: Shacabka Muqdisho waxay heli doonaan codkooda oo muuqda si ay u doortaan maamulka magaalada.
-
Khataraha jira iyo istaraatiijiyadda lagu xalinayo
Khatar: Mucaarad siyaasadeed oo ka yimaada heer federaal ama dowlad-goboleedyada kale.
Istaraatiijiyad lagu xalinayo: In la sameeyo wadahadallo qaran iyo sharci gaar ah oo dastuuri ah.
Khatar: Khilaafaad ku saleysan qabiil/beelo.
Istaraatiijiyad lagu xalinayo: In la sameeyo dastuur magaalada u gaar ah oo dammaanad qaadaya awood qaybsiga.
Khatar: Isku dhac awoodeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka magaalada
Istaraatiijiyad lagu xalinayo: In la sameeyo sharci si cad u qeexaya awoodaha labada dhinac.
-
Talooyin siyaasadeed
- In Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo sharci gaar ah oo dejinaya maqaamka Muqdisho, sida ku cad Qodobka 49(1).
- In la dhiso Guddi Qaran oo diyaariya dastuurka Magaalada Muqdisho (City-State).
- In la qabto doorashooyin deegaanka ah oo lagu soo doorto Golaha Wakiilada iyo Maamulka Magaalada.
- In la dejiyo nidaam caddaalad ku dhisan oo lagu qeybsado dakhliga laga helo canshuuraha dowladda dhexe.
- In laga hawlgalo wacyigelinta bulshada iyo talo-qaadashada dhammaan daneeyayaasha: haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, culimada, iyo bulshada rayidka ah.
Gunaanad
Siinta Muqdisho maqaam dowlad-goboleed ah (City-State) waxay ka jawaabeysaa baahi siyaasadeed, maamul, iyo bulsho oo muddo dheer taagnayd. Waxaa lagu gaari karaa nidaam dowladnimo oo cadaalad ah, maamul daahfuran, iyo caasimad u shaqeysa si siman dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaa sidoo kale laga hortagi karaa khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqda iyadoo Muqdisho laga dhigayo magaalo federaal ah oo dhexdhexaad ah, lehna awood u gaar ah oo ay kula jaanqaado dowlad-goboleedyada kale.

