Siyaasiyiin kusii qulqulaya gobolka Gedo kadib go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Baardheera ay ka dageen siyaasiyiin horleh, kuwaasi oo ku biiray kuwa halkaasi ku sugna muddooyinkii dambe.

Siyaasiyiintan gaaray gobolka Gedo ayaa qaarkooda la sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo halkaasi tagaan, xilli ay sanadihii dambe xiisad siyaasadeed ka taagneyd gobolkaasi.

Socdaalka siyaasiyiintan ay ku tageen Baardheere ayaa imanaya kadib go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka qaatay xiisadda gobolka Gedo ee ahaa xal u helida tabashooyinka reer Gedo ay ka tirsanayaan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Xasan ayaa lagu wadaa in uu tego gobolka Gedo, si xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi, wuxuuna dhawaan sheegay in uu tegi doono oo la fariisan doono “tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim walaalayaal reer Jubbalanow.”

Qulqulka siyaasiyiintan ayaa sidoo kale imanaya xilli uu gobolkaasi ka socda diyaar-garow loogu jiro inay ka billowdaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Xasan Sheekh oo laba toddobaad kahor tegay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Xasan ayaa dadaal badan gelin doona sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.