Somalia oo sanadkii tegay ay 43,000 qof ugu dhinteen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha QM ee caafimaadka iyo daryeelka caruurta ee kala ah WHO iyo UNICEF ayaa shaaciyay in abaarta Soomaaliya sannadkii hore ay ku dhinteen illaa 43-kun oo qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kala-badh ay yihiin carruurta geeriyootay, kuwaasi oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano, sida lagu yiri warbixintaan.

Tirada la shaaciyay ee dadka ku dhintay abaarta Soomaaliya ayaa ka badan intii la filayey.

“Markii ugu horeysay qaab qiyaas ku saleysan ayaa laga soo saaray isla daraasadan si loo suuragaliyo dhacdo la filan karo oo loogaga hortago dhimashada abaarta la xiriirta, sadaashan oo u dhaxeysay Janaayo illaa June 2023 ayaa ku qiyaastay in boqol iyo shan qof ay u dhiman karaan maalin kasta dhibaatadan.”

Qiyaasaha daraasadan waxay muujinayaan in dhibaatada ay kasii daran tahay tii abaareed ee 2017 iyo 2018-ka.

“2023 heerka dhimashada ayaa la saadaalinaya in uu gaaro 0.42 dhimasho ah tobankii qofba bisha June ee sanadkaan,” sida lagu yiri daraasada ay sida wada-jirka ah u soo saareen Soomaaliya iyo hay’addaha QM ee caafimaadka iyo dayeelka caruurta ee WHO iyo UNICEF.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo arrintaan ka hadlay ayaa muujiyay walaac xooggan ka muujiyay xaaladda abaareed ee dalka, isaga oo xusay in haddii la waayo samata-bixin deg deg ah ay sii kordhi karto tirada dhimashada ee sababto dhibaatadan.

“Waxaa sii wadeyna in aynu ka waalacno heerka iyo baaxada saameynta caafimaadka bulshada ay ku yeelaneyso dhibaatada cunada ee sii-daba dheeraatay ee Soomaaliya, islamarkaana waxaa ku rejo weynahay in haddii aan sii wadi karno tallaabooyinka caafimaadka joogtada ah iyo ka jawaabida arrimaha bini’aadanimo si loo badbaadiyo nolosha iyo ilaalinta caafimaadka kuwa nugul waxaa dib u riixi karna khatarta macaluusha iyo dhimashada, haddii la waayo taas dadkan naftooda ayay ku weynayaan.”

“Sidaas darteed waxaa ku boorineyna dhamaan bah-wadaagtayada iyo deeq bixiyaashu inay sii wadaan taageerada waaxda caafimaadka iyo dhismaha nidaam caafimaad oo adkeysi laheyn oo u adeega qof walba oo inyar u adeegayn.”

Wakiilka WHO oo isagna ka hadlay natiijada daraasadan ayaa yiri “Waxaa la tartamayna waqtiga si aan u badbaadino nafaha laga fogaan karo inay baxaan. Waxaa aragnay dhimashad aiyo cudurka inay soo baxnaaa marka gaajada iyo cunada ay sii dheeraadan, waxaa arki doonaa dad badan oo u dhimanaya cuduro marka la eego gaajada iyo nafo xumada oo isbiirsaday haddii aan hadda wax laga qaban.”

Dr. Maalik ayaa intaas sii raaciyay “Qiimaha wax qaban la’aantayadu waxay ka dhignaan doonta in naftooda ku waayi doonaan caruurta, haweenka iyo dadka kale ee jilicsan inaga oo rejo la’aan ah, marqaatina ka ah masiibada dhaceysa. Laga soo bilaabo billowgii abaarta WHO waxay si cad u sheegtay in abaartu tahay dhibaato caafimaad oo lamid ah dhibaatooyinka cunada iyo cimilada.”

Waalaca u weyn ee WHO ayaa ah in laga hortago dhimashada xad dhaafka ah ee si toos ah ama si dadban loogu aaneyn karo abaarta, ayada oo si gaar ah diirada loo saarayo haweenka iyo caruurta ka yar shanta sano.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.