Somaliland Laas-caanood ma ka maarantaa? – Faallo

Horta Laas-Caanood Waa tuma?

Laas-Caanood waxay dhacdaa Dooxada Nugaaleed, waana magaalo madaxda Gobolka Sool. Waxay Garowe u jirtaa 132 km, markaad gaari ku aado, Hargeysana 381 km oo dhulka ah. 2014 tiro koob ay samaysay UNFPA tirada dadka ku noolaa waxaa lagu qiyaasay 156,438 qof.

Dadka reer Laas-canood kama mid ahayn qabiilooyinkii saxiixay heshiiskii Gumaysigii ingiriiska (Colonial Protective Treaties), waxayna ahaayeen dad si adag uga horyimid gumaysigii gumaystaha. 

31-kii July 1903 niman sahan u ahaa gumaystaha oo tiro 30 (British Scouts) ahaa iyo 124 Darwiish oo sahan ahaa baa isku helay  meel aan sidaa uga fogeyn Laas-caanood, waxana laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawac noqday horgaladii gumeystaha iyo hoggaankii hogaaminaayey oo caddaan ahaa. 

1954 iyo 1955 xaaladdii markaa ka jirtay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari waxaa Laas-caanood lagu aas-aasay xisbigii USP oo ay ku midoobeen reer Laas-canood, Boorama iyo Sanaag Bari. 

15 October 1969 waxaa Laas-Canood lagu dilay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirshiid Cali Sharmaarke, asagoo safar shaqo ku maraayey magaaladaa, waxaana dilay mid ka mid ahaa ilaaladiisa. Aaskiisii maalin kadib waxaa dhacay afgambsi ciidameed oo uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre, 21 Oktober, 1969.

1991 ururkii SNM ahaa wuxuu ku dhawaaqay gooni isu-taag iyo inuu Soomaaliya ka tashaday, ayadoo doododu ahayd waa nala xasuuqay, heshiiskii 1960na waa ka noqonay. Waxaana Burco shir ka dhacay looga dhawaaqay Somaliland, oo la sheegtay in heshiis lala galay Gobolada darfaha Galbeedka iyo Bariga oo aan SNM dagaalkii ay galeen kula jirin, dagaalkaas oo beesha dhexe ku koobnaa.

Laas-Canood waxay in muddo ahayd meel nabdoon. Dabadeedna Dhalashadii Puntland iyo sheegashadii ka mid ahaan-shaha Laas- Canood waxay abuurtay dareen xaasaasi ah. 2002 Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa safar lama filaan ah ku tagay Laas-Canood, asagoo watay ciidan xoog leh, muddo yar ka dibna waxay isku dhaceen dadkii deegaan, markii danbana dibaduu uga baxay, waxaana la wareegay ciidan taageersanaa Puntland. 2007 waxaa isfahmiwaa dhex-maray Wasiir Xaabsade oo ahaa wisiirkii Arrimaha gudaha ee Puntland iyo Wadaxweyne Cadde Muuse. Xaabsade oo kaso jeeda deegaan Sool ayaa ka xaystay ciidan beeleed, wuxuuna dagaal la galay ciidankii joogay Laas-Canood, waana la wareegay, waxay Somaliland abaal-marin u siisay jago wasiir ah, muddo yar dabadeedna waa isku dhaceen Xaabsade iyo Somaliland, wuxuuna dib ugu so laabtay Garowe, asagoo ka fara maran LAASKII CAANAHA. Intii waqtigaas ka danbeysanna waxaa gacanta ku haysay Somaliland ilaa maanta oo qalalaase ka taagan tahay

Haddaba, Somaliland maka maarmi kartaa Laas-Canood iyo Sool?

Somaliland dooddeeda ugu weyn waxay tahay oo sheeganaysaa inay xuduuddii Ingiriiska xad u tahay, haddii ay faraheeda ka baxdana Somaliland waxay kuso ururaysaa gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, sidii ay AWDAL ula sii midoobilahaydna waa mid su’aal keeni karta, waana adag tahay inay ku qancaan waxay u dagaalamayeen, gar iyo gardaba, mana rumaysna haddii ay heshiis la galeen reer Sool inay ka bixi karaan, ayagoo sheeganaya inay axdigii 1960 ka baxeen.

Haddaba reer Sool iyo Laas-caanood xaaladdooda maanta waxay ku dhawaaqayaan in dhulkooda looga baxo, 13-kii isinna hal eray oo isku mid ah bay ku dhawaaqayaan: Aayaheena inaan ka tasho ayaan rabnaa, dhulkeenana ha na looga baxo, mana aha mid qancinaysa Somaliland.

W/Q: Mahamud J. farah
Mahamudjfarah@gmail.com
U.S.A

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.