Somaliland oo shaacisay in DF ay ka dhacday malaayiin dollar

Hargeysa (Caasimada Online) – Maareeyaha hay’adda duulista ee maamulka Somaliland, Cumar Sayid Cabdullaahi oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirta dhanka maamulka hawada dalka.

Ugu horreyn maareeyaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay lixdii sano ee lasoo dhaafay si khaldan uga faa’iideysatay maamulka hawada, maadaama ay la wareegtay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii hore heshiiska uu ahaa in labada dhinac ay isla maamulaan hawada, balse taasi aysan dhicin, isla markaana qalabkii Somaliland loogu talagalay uu iska yaallo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

Cumar Sayid Cabdullaahi ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dhacday, isla markaana ay ku takri-fashay lacag gaareysa $60 milyan oo ay lahayd Somaliland.

“Mudada 6-da sanno ah ee ay hawada kaligood maamulayeen, waxa ay ku takrifaleen lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar, oo ah qaybtii Jamhuuriyada Somaliland xaqa u lahayd, waxa magaalada Baydhabo ilaa maanta kartoomo ku jira istayshankii loogu talo galay in Hargaysa laga sameeyo” ayuu yiri Maareeyaga hay’adda duulista ee maamulka Somaliland..

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday duulimaadyadii dhawaan laga celiyay hawada ee ku socday magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay arrin xadgudub ah,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in anay maanta kadib aqbali doonin in dowlada Soomaaliya ay farogaliso hawadooda, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qaramada Midoobay.

“Maanta laga bilaabo wixii carqalad ka yimaada maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliyaba, in anay Somaliland masuul ka ahayn, cida masuulka ka ahi waa cidaa u adeegsanaysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah” ayuu mar kale Cumar Sayid Cabdullaahi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad u dhexeysa labada dhinac, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Muuse Biixi la galay Abiy Axmed.