Somaliland oo si wayn looga xusay 18-ka May + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland ee lagu qabtay munaasibad lagu xusayey 33-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb-galay madxweynaha Somaliland, hoggaanka xisbiyada, shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, iyo dadweyne kala duwan oo isku soo baxay.

Ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa sidoo kale munaasabaddan si wayn uga qaybqaatay, waxayna soo bandhigeen dhoolatus cajiib ah oo ay uga qayb-qaadanayaan xuska sanadka 33-aad ee aas aaska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Ictiraafka ay muddada dheer ay raadinayaan.

Biixi ayaa sheegay in arrintooda ay ka duwan tahay xaaladaha ka jira Afrika, loona baahan yahay in dib loo eego, isaga oo ku faanay in Somaliland ay gaartay isku filnaan buuxda.

“Arrinta Somaliland way ka duwan tahay khilaafaadka ka jira Afrika, waana dooneynaa in dib loo eego” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyn Muuse Biixi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Somaliland ma’aha dal ka goosanaya dal kale, ee mid weliba waxay qirsan tahay inay ahaayeen labada dal oo isku tegay”.

Xuska 18-ka May ee Somaliland ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo ay taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiis ay xukuumadda Biixi lasoo gashay dowladda Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka, maadaama uu taabanay arrimaha badda.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa waxay sanadihii dambe horumar ka sameysay dhinacyo badan, inkasta oo illaa hadda uusan jirin dal ku dhiiraday in uu u aqoonsado dal madax-banaan.