Soomaaliya iyo Turkiga: 12 sano kadib xaalku waa sidee?

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta aan u guda galin dulucda qormada aan marka hore dib u jaleecno Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye, waa xiriir diblomaasi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye, kaasi oo ah mid taariikhdiisa fog tahay ama fac weyn tahay.

Waxaa ku soo xasuusan karnaa dawladii Cusmaaniga oo uu hogaaminaye Cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya, taasi oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneed dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa dawladaan ayaa soomaaliya ka talineyse ku dhawaad 300 oo sano.

Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka waxa uu daciifay kaddib markii ay burburtay dawladii Cusmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Turkiga sannadkii 1923.Turkiga waxa uu markii ugu horreysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa iyo markii uu qarankii Soomaaliyeed bur-buray sanadkii 1991-kii.

Mar kale ayuu xiriirku soo laabtay, waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay abaar iyo colaad bishi July sannadkii 2011-kii Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in macluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale sida Shabeelada Dhexe, Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar, awoodeeda inay ka jawaabto macaluusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada siiba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacanta ku hayay Alshabab.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkige oo xilligaas Ra’iisulwasaare ahaa ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay meel halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii abaarta.

Waxa uu ahaa ficil dareenkiisa leh, imaantinkiisu waxay furitaan u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa Soomaaliya, waxaana durba bilowday in Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain iyo China ay bilaabaan inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya.

Sidaa darteed dawladda Turkiye waxay geed-qaaday kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka, iyadoo Quwadaha dunida kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo deg degin wax ka qabashada dhibaatadaasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkiga oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka.

Haddaba markii uu ka dhacay dhulgariirkii aadka u daraa Dalkaasi Turkiye ayay dunidu u gurmatay, gacan ka geysashada dhibaatadaasi ka dhacday Dalka gaar ahaan Gobolada Dalkaasi qaarkood, sidaasi awgeed Soomaaliya Masuuliyiinteeda ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Shacbiga iyo Madaxda Dalkaasi u diray dhambaallo tacsi ah, iyagoo u muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ka dhacay halkaasi, “waana la qeybsaneynaa murugada” ayay ku yiraahdeen Dhambaaladooda, waxaana dhawaan la bilaabay dhaqaale ururin la doonayo in lagula garab istaago Walaaaha Turkiye ee waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Waxaa kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay dhibaatada ku dhacday dalka Turkiga waxaa ka mid ah Wasiir Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir oo ka hadlaayay kaalinta uu dalkaasi ka soo qaatay gurmadka Shacbiga Soomaaliyeed ayaa yiri:- “Dalka Turkiga waxa uu noo galay abaal weyn waxaana shacabka Soomaaliyed looga bahanyahay abaal midkii lamid ah.

Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan, kaasi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana bilowday ololaha dhaqaale uruurinta oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku bilowday hal Milyan oo Dollar.

Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka.

Halka Maamulka Gobolka Banaadirna uu yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiye iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay türkiye oo u dhiganta 106,005.20 United States Dollar, sidoo kale ayay Jaamcadda ZamZam ugu deeqday Dalkaasi lacag dhan 50 kun oo dollar.

Safiirka Dowladda Turkiye u fadhiya Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Waxaan u mahadcelineynaa intii ka qeybqaadatay taakuleyta , isla markaana ka tacsiyadeyneysay dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, isla markaana si wanaagsan uga qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka”.

Safaaradda waxay uga mahadcelinaysaa is garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u fidisay dhibanayaashii dhulgariirkii ka dhacay Turkiga, oo uu hindisay H.E. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo H.E. Xamza Cabdi Barre Raiisulwasaaradaha Xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya waxay Dowladda Turkiye ugu yaboohi doontaa lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada dalkaasi.

Waxaa mar kale bilaaban doono wajiga labaad ee lacag ururinta, kaasi oo ay ka qeybqaadan doonaan dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba, taasi oo la filaayo inay ka badnaato lacagta hadda la qoondeeyay.