Soomaaliya maka maarantaa gacmo shisheeye?

Horudhac

Dowladdii lagu soo dhisey degmada Carta ee waddanka Jabuuti iyo doorashadii C/qaasim Salaad Xasan bishii August 27 keeda, 2010 waxay dad badani gelisey yididiilo ah in dowladnimada iyo karaamada Somaaliya ay soo noqon doonto. In kastoo dagaal oogayaashii Muqdisho iyo Hogaamiye kooxeedyadii kaleba aanay qayb ka ahayn shirkaa dib u heshiisiineed ee muddada dheer socday hadana dowladdii ugu horreysey ee ku meel gaadhka ahayd waa la aqoonsaday waxaanay hor seedey markii ugu horeysey muddo toban sanno ah inay Somaaliya dib ugu fadhiisato kuraasta ay ku leedahay ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta iyo Modowga Africa.

Shirkaa Carta intii uu socdey waxaa xal loo arkay in Somalia loo kala qaybiyo afar qabiil iyo badh oo saami ah 4.5 kuraasta lagu qaybsado. Taasi kama aanay dhignayn in qabaa’ilka iyo degaanadooduba ay tir ahaan sinaayeen, sidoo kalena may ahayn inay kuwa badhka la siiyey ka tayo iyo tiro liiteen afarta qabiil ee kale laakin waxay ahayd wax markaa loo arkayay in looga baxo caqabaddii dowlad la’aanta laguna gaadho marxalad uu qofku codkiisa wax ku dooran karo.

Laga soo bilaabo 2000 ilaa maanta oo laga joogo 15 sanadood Somaaliya weli waxay ku jirtaa ku meel gaadh; xukuumadihii kala dambeeyey ee lagu soo kala dhisey Djibouti, Mbagathi iyo Mogadishu midkoodna may oofin ballamihii umadda ay u qaadeen oo ah soo celinta xasiloonida iyo deganaanshaha dalka, midnimada umadda iyo nidaam dimoqraadiyadeed oo hal qof iyo codkii lagu doorto hogaamiyayaasha dalka. Waxaa hubaal ah in dhamaan hogaamiyayaashii soo xukumayay muddadii ku meel gaadhka ahayd uu mid walba ku yaboohi jirey inuu dalka gaadhsiinayo horumar iyo barwaaqo iyo doorasho cod sanduuq lagu rido ah. 15 sannadood kadib riyadaasu may dhaboobin Somaaliyana waxay maanta maraysaa halkii ugu xumayd marka loo eego dhanka amniga, midnimada, deganaashaha iyo waliba isku filnaanshaha.

In kastoo dowladda Hassan Sheikh Mohamoud ay sheegato in dalka kumeel gaadh uu kasoo baxay hadana taasi ayaa ah mid aan waxba ka jirin waayo inta dastuur kumeel gaadh ah oo aan afti loo qaadin dalka lagu dhaqayo, inta odayaal ay wax soo xulayaan oo aan nin iyo codkii aan waxba lagu dooranayn iyo inta uu jiro muranka xuduudaha degmooyinka iyo goboladuba, dalka waxa uu weli ku jiraa kumeel gaadh. Kumeel gaadh waanu ka baxnay micnaheedu ma aha in magaca “Kumeel gaadh” laga saaray cinwaanka dowladda.

Dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee Abdiqasim Salad Hassan markii ay afar sanadood dhex fadhidey hodheelada Mogadishu kana bixi wayday safaro debedda ah iyo is qab qabsi madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare ayaa waxaa mar kale Somalia dowlad kaloo kumeel gaadh ah loogu soo dhisey waddanka Kenya. Waxaana October 14keeda, 2004 shir kaloo dib u heshiisiin ah oo muddo dheer ka socday Eldoret iyo Mbagathi kadib madaxweyne loo doortey AUN Abdillahi Yusuf Ahmed oo xiligaa ahaa madaxweynihii maamul goboleedka Puntland ee Somalia isla markaana kamid ahaa hogaamiyayaashii aadka uga soo hor jeedey dowladdii tiisa ka horeysey ee Carta lagu soo cumaamaday. Dastuur cusub oo Federal ah ayaa la isku raacay waxaana dowladdii loo bedeley dowlad federal oo kumeel gaadh ah. Nidaamka federalka ayaa loo arkayay hab ay Somalia ku heshiin karto maadaama dadku ay kala aamin baxeen oo ay adag tahay dowlad Mogadishu fadhida ay wada xukunto ama xukunka, dhaqaalaha iyo adeegga dowladeed wada gaadhsiiso dalka oo dhan. Arintani waxaa loo arkayay mid macquul ah marka loo eego casharada laga bartay guul daradii lasoo gudboonaatay dowladdii Abdiqasim iyo deganaanshaha ay gaadheen Puntland iyo Somaliland markii ay samaysteen maamulo u gaar ah oo ka samaysmay dadka degaanka oo isku tashaday.

In kastoo hogaamiye kooxeedyadii dowladda Abdiqasim ka hor yimi kulana dagaalamay Mogadishu ay dowadda Abdillahi Yusuf kuwada dhamaayeen hadana taasi wax badan kumay soo kordhin in lagaadho yididiiladii iyo dowladnimadii la hiigsanayay, waxaaba la odhan karaa waa ay uga sii dartay markii ay dowladda u kala qaybsan tahay Mogadishu oo ay xoog ku haysteen hogaamiye kooxeedyada iyo Jowhar oo ay fadhiyeen madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Waxaan qormadan kaga jawaabayaa su’aasha aan cinwaanka uga dhigey oo ah Somaaliya maka maarantaa shisheeye? In kastoo aanan galaan gal badan ku lahayn siyaasadda isla markaana aanan xidhiidh la lahayn koox kamid ah kuwa ku hardamaya hogaanka dalka heer qaran iyo heer goboleedba, waxaan isticmaalayaa waxay fikradaydu tahay iyo waxyaabihii aan ka bartay beesha caalamka intii aan la shaqaynayay.

Federalism

Nidaamka Federalism waxa uu ka abuurmay shirkii Kenya ka socdey mudada dheer. Hadabba waa maxay federalism muxuuna xambaarsan yahay?

Federalism waa nidaam dowladeed oo ka samaysan unugyo ama gobolo dal kamid ah oo isku tegey kuna midoobey dowlad qaran oo ay awood ku wadaagaan.

Ayadoo laga duulayo macnahaasi waxaa cad in Federalism aanu ahayn dowlad qabiil ku dhisan, dowlad goboleedyo is bar-bar yaacaya oo ku dherersan ama ka awood badan tan heer deferal iyo dowlad goboleedyo loo sameeyey in lagu dumiyo kuwo horey u dhisnaa. Dabcan dowlad goboleedyadu waxay ku dhismaan rabitaanka shacabka degan gobolo ama degmooyin ayadoo saldhig looga dhigayo qaanuunka iyo sharciga dalka u yaala. Dowlad goboleedyo kuma dhismaan hab laab la kac ah ama nidaam dhakhso ay beesha caalamku dabada uga riixeyso.

Dowladaha caalamka ayaa nidaamka federalism siyaabo kala duduwan u isticmaala waxaana kamid ah Maraykanka, Imaaraadka Carabta ee Midoobey, Ethiopia iyo Kenya oo dhawaan kusoo biirtey. Hase ahaatee 12 sannadood kadib weli Somaaliya si rasmi ah ugama hir gelin nidaamka federalismka waxaana jira caqabado adag oo ku hor gudban. Caqabadahani waxaa kamid ah:

  1. Nidaamkani ayaa ahaa mid ku cusub dalka waxaana dad badan ay aaminsanaayeen in uu yahay hab cusub oo dalka lagu jar jarayo. In kastoo dad badan ay fekerkaasi ku saxsanaan karaan hadana dowladihii xukunka hayay laga soo bilaabo 2004 ilaa maantadan may hir gelin barnaamij wacyi gelin heer qaran ah oo dadka lagu fahamsiinayo faa’iidooyinka federalismka iyo weliba waxa uu Somalia usoo kordhin karo. Taa beddelkeeda waxaa hubaal ah in wasiiro badan iyo madax kale oo sar-sare oo xukuumadahaasi kamid ahaa ay si dhab ah u diidanaayeen federalismka. Sidaa darteed waxay ahayd riyo aan daacad laga ahayn kuna hor gudban hir gelinta federalism.
  2. Dowladda maanta jirta ee September 10keeda, 2012 la doortey waxay ku guul daraysatay inay samayso gudiyadii heerka qaran ahaa ee qayb ka qaadan lahaa fududaynta hirgelinta federalismka sida guddiyadii xuduudaha goboloda, dib u eegidda distoorka iyo doorashada. In kastoo la filayay 45 cisho kadib marka la dhiso xukummaddii Abdi Shirdon (Saacid) in lasoo magacaabo gudiyadani hadana waxay waqtigooda dib uga dhaceen wax kabadan saddex sanadood sababo aan la garanayn. Markii la dhiseyna waxaa isla markiiba soo food saaray caqabado dhanka maamulada ka dhisnaa ama hadda ka dhismey gobolada iyo caqabado kale oo la xidhiidha dhanka miisaaniyadda iyo ayagoo aanay haysan meel ay ku shaqeeyaan.
  3. Nidaamka federalismka ayaa hor taagan caqabadda qabiilka oo sii xoogeysatay iyadoo loolanka qabaa’ilka u dhaxeeya uu maalinba waji cusub yeelanayo is aaminaad la’aantuna ay sii xoogeysanayso. In kastoo madaxda Somaalidu ay idaacadaha ka sheegaan hadalo qurux badan hadana waxaa la odhan karaa hab dhaqankoodu ayuu la mid yahay kii hogaamiye kooxeedyadii dalka tobanka sanno af duubka ugu jirey oo hubka ka heli jirey dowlado shisheeye.
  4. Nidaamka federalismka waxaa si khaldan u isticmaalaya maamulada qaar taasoo ay ugu wacan tahay laba arin midkood – ayadoo aanay weli fahmin micnaha dhabta ah ee federalismka ama ayadoo aanay jirin kalsooni iyo is aaminaad dhex taala maamuladani iyo dowladda dhexe ee Muqdisho. Maamuladani ayaa isku arka inay awood ahaan la siman yihiin tan federalka, sidaa darteed waxaa adkaanaysa in la helo jawi is ixtiraam iyo isku hogaansanaan.
  5. Waxaa jirta faro gelin shisheeye oo aad u baaxad wayn taasoo noocyo badan leh. Fara gelintani shisheeye ayaanay ahayn mid khasab ama xoog ku timi laakin waa mid hogaamiyayaasha dalka ay u yeedheen oo ku qanacsan shisheeyaha inuu wax u yeedhiyo intii ay ayaga wada hadli lahaayeen. Dabcan shisheeyuhuna kuma mideysna danaha ay Somaaliya ka leeyihiin oo waxaa jira dano iska soo hor jeeda runtii oo aad u kala fog.

Hab qaybsiga qabiilka {4.5}

Habkani ayaa lagu soo gudbey 15 kii sanadoo ee u dambeeyey waxaana ugu yaraan lagu gaadhay guusha ah in haykal dowladeed uu ka dhismo Somaaliya, 10 sanadood kadib calankii Somaaliyana dib looga taago xarumaha ururada caalamiga ah ee ay Somalia xubinta ka tahay. Su’aasha haddaba taagani ayaa waxay tahay afarta qabiil haba joogaane ma cadaalad bay ahayd in qabaa’ilo badan oo isku tegey la siiyo badh ama nus kamid ah intay heleen qabaa’ilka kale. Su’aasha labaadi waxay tahay qabaa’ilka afarta ah ee sida isku wada midka ah wax ku wada qaybsanayay tiro ahaan iyo degaan ahaan ma wada siman yihiin. Waxaa iyana la is weydiin karaa dhalinyarada oo 70% lagu qiyaasho inay yihiin mujtamaca Somaaliya iyo haweenka maka dhex muuqdaan shaxda 4.5 ee wax loogu qaybinayay dalka 15kaa sanadood ee lasoo dhaafay.

In kastoo jawaabaha su’aalahaasi ay adag yihiin hadana waxaa fiican in horey looga socdo maadaama meel lagu soo gaadhay. Hadabba waxaa maanta taagan doodda ah mala gaadhay xiligii laga gudbi lahaa nidaamka qabiilka loona gudbi lahaa nidaam degaan? Shaki kuma jiro inay jawaabtu HAA tahay oo loo baahan yahay in is bedel uu yimaado lagana gudbo habkii hore ee cadaalad darrada ku dhisnaa. Hase ahaatee, waxaa jira waxyaabo badan oo ka horeeya in la qabto si nidaam qabiil looga gudbo loona gudbo nidaam degaan.

  1. Waa inuu jiraa tira-koob rasmi ah oo heer qaran oo lagu ogaanayo tirada dadka ku dhaqan deegaan walba. Hay’adda UNFPA oo kaashanaysa deeq uga timi beesha caalamka ayaa waxay dalka ka hir gelisey tira koob qiyaas ah (Population Estimation Survey) kaasoo sanadkii hore dowladda federalku ay Mogadishu kusoo bandhigtey. Qiyaastani la sameeyey ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftey inta badan maamulada dalka ka dhisnaa dalka oo uu ku jirey maamulkii gobolka Banaadir. Run ahaantii may fahamsanayn maamuladani nidaamka farsamo ee la isticmaalay si qiyaastaasi loo sameeyo waxaana warbixinta sahankaasi lagu naqdiyay ayadoo qabiil lagu salaynayo. Marka lasoo koobo waxay qolo walba doodeedu noqotey dadkayagu intaa way ka badan yihiin iyo nala kalama tashan. Waxaa hubaal ah inaanay jirin khubarao ka socdey qolooyinkaa warbixintaa naqdinayay qaar kamid ah oo diyaar u ahaa si aqoon iyo farsamo ku dheehan tahay inay doodooda miiska ula soo fadhiistaan inta aan warbixinta la faafin si sahankani oo dhaqaale badan ku baxay ugu yaraan loogu gaadho tira koob rasmi ah oo dalka oo dhan ka dhaca.
  2. Dhismaha dowlad goboleedyada ayaan ahayn kuwa dhamaystiran, waxaana su’aal la gelin karaa sharciyadda ay ku fadhiyaan madaxda maamul goboleedyada hadda dhisan intooda badan. Dowlad goboleedyadani ma joogaan ama ma xukumaan dhulalka ay sheegtaan kuwaasoo gacantooda ka maqan. Waxaa haddaba la is weydiin karaa sidee baad wax ugu qaybinaysaa dhul adiga kaa maqan oo dadkiisa iyo degaanadisaba ku gaadhi kartaa si aad ugu qaybiso kuraasta dalka.
  3. Dowladda waqtigeedu dhamaanayo August 2016 ayaa ku guul daraysatay hir gelinta waxyaabihii dhabaha u xaadhi lahaa inay dhacdo doorasho qaran kuwaasoo sida aan kor kusoo xusey kamid ah dhismaha gudiyada iyo weliba xaqiijinta amniga dalka.

Ayadoo intaa la eegayo ayaa haddaba waxaanay suuragal ahayn in deegaan wax lagu soo doorto si looga gudbo 4.5. Hadii sida qolada ku doodaysa deegaan loo gudbo waxaan laga fursanayn in weli qabiilkii wax lagu sii qaybsado xitaa haddii deegaan loo gudbo. Tusaale ahaan haddii degmada Bu’aale ay hesho 10 kursi tobankaa kursi waxay tegeysaa in qabaa’ilka degani ay si hoose ah 4.5 usii qaybsadaan waxaana hubaal ah in cabashooyin badan oo aan kala joogsi lahayn ay dalka oo dhan ka wada istaadhmi doonto ayadoo degmo walba dadkeedu ay ka caban doonaan in la duudsiiyey.

Caqabadda kale ayaa ayadana ah saami noocee bay degmooyinku wax ku qaybsan karaan maadaama baaxadda degmooyinka iyo tirada dadka ku dhaqan aanay isla ekeyn isla markaana aanu jirin tira koob marjac laga dhigan karo oo lagu salaynayo tirada kuraas oo ay degmo walba heleyso.

Madasha wada tashiga Qaranka

Dhismaha madashani oo ay ku jiraan madaxda dalka ee heer federal iyo heer gobol ayaa ku yimid hab laab la kac ah oo aan wax badan laga sii tashan. Waxaase hubaal ahayd in dad badan ay ku farxeen dhismaha madashani maadaama ay tahay markii ugu horeysey oo madaxda Somaalidu ay soo wada fadhiistaan oo iskood ay u wada hadlaan.

In kastoo xubnaha madasha ku jira ay ku faanaan inay kaa maarmeen go’aano debedda uga yimaada ama loo soo yeedhiyo hadana waxaa shaki la geli karaa is aaminaada ka dhaxaysa xubnaha madasha ku jira iyo inay dhab ahaantii ka madax banaan yihiin gacmo shisheeye. Inta aan u gudbin gacmaha shisheeye aan marka hore eego xubnaha ku jira madaxda iyo sharciyadda ay ku joogaan:

  • Federalka: Mas’uuliyiinta federalka ah ee ku jira madasha ayaa ka wada mideysan damaca siyaasadeed ee ah dib ugu soo noqoshada kuraasta dalka kadib 2016. Madaxdani waxaa lagu xasuusan karaa karti daro, hoggaan xumo, musuq iyo weliba maamul xumada hantida qaranka oo siyaabo badan horey loogaga hadlay. Ka sokow dhaqaalaha kasoo gala dalka dhinaca dekedda iyo madaarka Muqdisho, waxay madaxdani dhaqaale badan oo laga heley dowladaha khaliijka iyo Turkey u isticmaaleen dano gaar ah sida in la ra’iisul wasaarayaal mooshin lagu soo oogo laguna rido. Haddii aynu si gaar ah u eegno Hassan Sheikh Mohamoud oo ah hogaamiyaha dalka ahna gudoomiyaha madasha ayaa la is waydiin karaa inuu kursiga uu ku yimi wado xalaal ah. Waxaa marag ma doonto ah in Hassan ay doorteen xildhibaano markooda horeba wado sharci daro ah iyo laaluush lagu soo magacaabay oo aanay kalsooni ka haysan dadka ay sheegtaan inay metalayaan. Si lamid ah sidaasi ayaa Hassan lagu doortey dhaqaale lagu bixiyey ayadoo aan loo eegeyn kartida iyo khibradiisa hogaamineed iyo halka uu dalka gaadhsiin doono. Sidaa darteed waa hogaamiye musuq ku yimi oo aan laga filan Karin inuu kalsooni uu dadka ku wada matalo ku hadli Karin. Taa waxaa lamid ah gudoomiyaha barlamaanka.
  • Puntland: Puntland ayaa xubin ka ah madashani ayadoo uu metalayo Abdiwali Mohamed Ali (Gaas). Abdiwali waxaa bishii January 2014 madaxtinimada Puntland u doortey 66 xildhibaan oo qabaa’il ay soo xuleen. Shaki kuma jiro in 66-kaasi asaga doortey aanay ahayn kuwa haysta kalsoonida shacabka ay sheeganayaan inay metalayaan. Waxaa intaa dheer in ay wax caadi ah ahayd xiliyada doorashada Puntland in lagu faano musharax hebel intaasoo xildhibaan buu haystaa oo uu iibsaday. Marka laga reebo in 66-kaasi aanay wada haysan kalsoonida kuwa ay magacooda ku fadhiyaan kursiga, waxaa intaa dheer inay wax ku doortaan dhaqaalaha ay ka helaan musharaxa. In kastoo hadaba su’aa la gelin karo xalaalnimada mas’uul sidaa lagu doortey ayaa hadana waxaa la odhan karaa Puntland way dhaantaa maamul goboleedyada kale ee dalka ka dhismey marka loo eego khibrada maamul ee ay haysato iyo weliba nidaamka dowladnimo ee ka jira. Dhanka kale waxaan la iska indha tiri Karin 17 sanadood kadib in weli ay jiraan degaano fog-fog oo Puntland ka tirsan oo dadkiisu aanay adeegyada dowladda wada gaadhin marka laga reebo amniga oo ah wax ay shacabku ayaga isu hayaan. Abdiwali Gaas in kastoo laga filayay siyaasad hufan oo cilmi ku dhisan ayaan hadana taasi dhicin waxaana dad badan ay ka niyad jabeen hogaan xumada iyo balan qaadyada aan dhaboobin ee uu umadda u sameeyey xiligii uu tartanka ku jirey. Abdiwali xukuumadiisu waxay dhawr jeer ku cel-celisey inaanay aqoonsanayn maamulka Galmudug oo sida ay sheegtey aan sharci ku dhisnayn. Su’aasha la is waydiin karaa ayaa waxay tahay kol haddii Galmudug ay ka tanaasushey sheegashada degaanada Puntland, ergadii kasoo jeedey Puntland ee Cadaado tagtayna loo diidey inay shirka ka qayb galaan, waa maxay sababta ku kalifeysa xukuumadda Abdiwali inay qaadato talaabadaa? Waa laga yaabaa dad badan inay is leeyihiin dhismaha Galmudug ma waaqsana dastuurka oo qeexaya laba gobol iyo wax ka badan inay dowlad goboleed ka koobnaan karto. Aniga oo arintaa ku raacsan qof walba ayaan waydiin lahaa aqoonsiga dowlad goboleedyada iyo sharcinimadeeda ma waxaa leh Barlamaanka Federaalka ah oo ay Puntland xubno ku leedahay mise waxaa iska leh dowlad goboleedyada? Arinta kale ee la yaabka lahayd ayaa ahayd in xukuumadda Abdiwali ay aqoonsatay maamul dhawaan looga dhawaaqay gobolka Bakool degaano kamid ah. Waxaan isla markiiba is waydiiyay tolow kaasi distoorka ma waaqsan yahay haddii Galmudug aanay waafaqsanayn.
  • Jubaland: Jubaland ayaa ayadana xubin fir-fircoon madasha ka ah. Ahmed Madoobe ayaa ah hogaamiyaha Jubaland. Waxay cid walba og tahay in Ahmed uu asaga isku caleemo saaray xilkaasi intii hore asagoo taageero ka haystay dowladaha jaarka oo asaga saaxiib dhaw la ah. Labadii sanadood ee ku meel gaadhka ahayd ee Jubaland lagu dhaqayay heshiiskii Addis Ababa kadib ayaa la filayay in Ahmed uu dib u heshiisiin la samaysto mucaaradka kasoo hor jeeda xukunkiisa, maamulkiisana gaadhsiiyo gobolada saddexda ah oo uu sheegto isla markaana uu qabto doorasho xalaal ah. Waxaa aad loogu dhaleecaynayaa dhismaha barlamaanka oo uu sheegey in lagu soo dhisey degaan kaasoo hadana sidii loo dhigey aanu ahayn. Waxaa la wada og yahay in Ahmed uu ku guul daraystii inuu sameeyo jawi lagu soo dhiiran karo oo ay murashaxiin badan isku soo taagi karaan doorashada asagana kula tartarmi karaan. Taa bedelkeeda doorashada waxaa kula tartamay shakhsiyaad asaga daacad u ahaa asagoo si fudud ugu soo baxay. Hadaba ayadoo ay su’aal ka taagan tahay xalaalnimada Barlamaanka Jubaland iyo waliba degaanada ay metalayso ayaa waxaa sidoo kale su’aal taa lamid ah ka taagan xalaalnimada Ahmed doorashadiisa. Ahmed waxa uu xulafo la samaystay Abdiwali Gaas. In kastoo maamulada gobolada inay xidhiidho wada samaystaan oo ay wax kala bartaan oo siyaasadoodu ay isku meel u wada jeedsanto ay tahay arin wanaagsan oo dalka ka saari karta kaligii taliska iyo koox gaar ah dalka inuu u af duubnaado, hadana waxaa hubaal ah in is bahaysiga Ahmed iyo Abdiwali aanu ahayn mid dano qaran ka shaqaynaya ee waxa uu ahaa is bahaysi qabiil oo dib usii hurin karaya colaadda qabiil ee beelaha waawayn ee Somalia qaar kamid ah soo kala martey. Malaha way fiicnaan lahayd haddii ay is bahaysigoodu kusoo dari lahaayeen madaxda kale ee maamul goboleedyada taasoo u ekeysiin karaysay inay yihiin kuwa danaha gobolada u taagan ee aan dano qabiil u taagnayn. Maamulka Jubaland ayaanu si dhamaystiran ugu guuleysan inuu ka gudbo Kismaayo in kastoo cadaadis badan iyo dhaqaaleba ay beesha caalamku ku bixisey sidii taasi looga gudbi lahaa.
  • Koonfur Galbeed: Koonfur galbeed ayaa kamid ah madasha. Si lamid ah sida Ahmed Madoobe ayaa Sharif Hassan xalaalnimadiisa doorashadiisa su’aal la gelin karaa. Ka sokow isticmaalka dhaqaale iyo dad kala iibsasho, Sharif Hassan ma jirin cid kula tartantay kursiga uu ku fadhiyo ayadoo dadkii uu hunguriga kaga jirey kursiga ku qanceen dhaqaalaha la siiyey ama cadaadis hoose oo debeda uga yimi ama heshiis kale oo qarsoon lala galay. In kastoo dowladda Sharif Hassan ay ku doodo in si ka duwan sida Ahmed Madobe ay saldhigyo ku leedahay saddex xarumood oo kala ah Baydhabo, Baraawe iyo Afgooye hadana waxaa hubaal ah in maamulkaasi aanu haysan itijaah siyaasadeed oo dhab ah isla markaana shacabku aanay u rumoobin riyada ay ka lahaayeen maamulkaasi. Marka laga reebo magaalada Baydhabo iyo degmooyin kooban ayaa inta badan dhulka maamulkaasi uu sheegto uu gacantiisu ka maqan yahay. Waxaa intaasi dheer in dhawaan gobolka Bakool looga dhawaaqay maamul kale ayadoo lagu ximinayo Sharif Hassan maadaama uu ku guul daraystay inuu ka qanciyo cabashadooda dhinaca kuraasta Barlamaanka maamulkaasi loo dhisey. Maamulka koonfur galbeed ayaa leh gole wasiiro oo tiro ahaan ku dhaw kuwa federalka. Tiradooda oo badan ka sokow ma jirto tayo ay leeyihiin inta badan wasaaradaha. Damaca Sharif Hassan oo ah inuu hogaanka dalka xil fiican ka helo ayaa hor taagan in maamulkiisa koonfur galbeed uu horumar la taaban karo ka sameeyo dhanka siyaasadda, amniga iyo waliba arimaha bulshada. Sharif Hassan ayaa aad u mucaaraday Ahmed Madoobe kadib markii sida uu sheegey beeshiisa aanay ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulka Ahmed Madoobe gaar ahaan barlamaanka. Taa waxay sababtay inuu Sharif Hassan ka xidhiidh furto Abdiwali iyo Ahmed una dhaqaaqo dhanka Galmudug iyo Muqdisho.
  • Galmudug: Galmudug ayaa ah xubintii ugu dambaysay ee kusoo biirta madasha. Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud oo ka hor khilaafkii Sharif Hassan iyo Ahmed Madobe iyo ka hor dhismihii maamulka Galmudug aanu ku lahayn taageero la isku halayn karo madasha dhexdeeda taasina ay keentay inuu tanaasul badan u sameeyo Puntland xiligii dhismaha Galmudug ayaa dhaqaale badan ku bixiyey sidii uu saaxiibkiisa ugu soo saari lahaa hogaaminta Galmudug. Ujeedada ugu wayn ee kooxda Hassan Sheikh ay u taageereen Abdikarim Hussein Guleid may ahayn inuu horumarka deegaanka ka shaqeeyo ee waxay ahayd inuu noqdo garabka madaxweynaha marka la kala goynayo go’aanada la xidhiidha mustaqbalka siyaasadda. Abdikarim ayaa lagu xasuustaa hogaan liita iyo weliba si lamid sida saaxiibkiisa Hassan inaanu ahayn nin khibrad u leh inuu muujiyo tanaasul hogaamineed iyo karti dadka la iskugu wada keeni karo. Maamulkiisa magac ahaan ayuu u dhisan yahay laakin muuqaal ahaan ma dhaafsiisna magaalada Cadaado oo xarun ku meel gaadh u ah maaadaama xoogaga Ahlu Sunna ay haystaan xarunta maamulka ee Dhuusamareeb. In kastoo si kaduwan sida Shariif Hasan iyo Ahmed Madoobe, Abdikarim kusoo baxay tartan adag hadana waxaa hubaal ah in soo bixistiisu aanay xalaal ahayn oo si aad ah loo musuq maasuqey doorashada Abdikarim.

Ma doonayo inaan ku dheeraado maamulada Banaadir, Shabeelada Hoose iyo Hiiraan maadaama miisanka ay ku leeyihiin madasha marka loo eego Galmudug, Puntland, Jubaland iyo Koonfur galbeed aanay miisaan badan ku lahayn.

 

Haddaba, hogaanka dalka waxaa sidaa ugu af duuban hogaamiyayaasha danahoodu ay iska soo hor jeedaan oo dhab ahaan aan u metelin maamulada ay sheegtaan iyo mujtamaca degan dhulalkaasi. Waxaa ka maqan haweenka, dhalinyarada, culimada iyo waliba dadka la sheego in laga tiro badan yahay. Su’aal waxaa la gelin karaa xalaalnimada go’aanada ay gaadhaan iyo sida go’aanadaasu ay ugu cuntamaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaataysan.

Saddexdeii sanadood ee u dambaysay dalka waxaa soo maray dhibaatooyinkii ugu xumaa ee dhanka amniga ah, sicir barar iyo tahriibta. Ka sokow kuwa ku dhimanaya qaraxyada, dagaalada iyo duqaymaha hawada ee AMISOM, waxaa jira tiro aan yarayn oo ku dhimanaysa badda ama saxaraha ayagoo naftooda dalka kala cararaya maadaama aanay jirin wax rajo ah oo ay ka qabaan nidaamka dowladnimo. Waxaa intaa dheer in maleeshiyaadka dowladda ay qayb wayn ka ciyaarayaan amni xumada ayadoo jid gooyooyin dadka lagu dhaco, lagu fara xumeeyo ama lagu laayaba u yaalaan gobolada dalka dowladuna aanay dan ka lahayn arintani inay wax ka qabato. Sidaa darteed waa gar sow lama odhan karo in kumanaan dhalinyaro ah ay dalka iskaga cararaan maadaama ay ka rajo dhigeen maamulka dalka ka jira?

Beesha Caalamka

Marka laga hadlayo beesha caalamka waxaa laga hadlayaa dowladaha reer galbeedka, kuwa jaarka ah iyo dowladaha carbeed iyo khaliijka kuwaasoo dhamaantood dano ka leh Somaaliya.

Intii aan hawlaha samafalka kala shaqaynayay Qaramada Midoobey iyo intii aan beesha caalamka kuwooda uga tunka wayn kala shaqaynayay dib u dhiska Somaaliya waxaan ogaaday in beesha caalamdku in kastoo ay soo wada saaraan war saxaafadeed wax lagu wada cambaaraynayo ama lagu taageerayo hadana ajandaha ay aaminsan yihiin uu aad u kala duwan yahay. Si aynu u sharaxno beesha caalamka danaha ay leedahay bal aan saddex qaybood u kala qaybino:

  1. Ugu horeyn sida laga yaabo dad badan inay aaminsan yihiin ma jirto haba yaraatee dowlad shisheey oo aaminsan in Somaaliya gumeysi la geliyo ama dhul laga qabsado. Aragtidaasi ayaa ah mid kasoo hor jeeda mabaadii’da Qaramada Midoobey oo dowlaha ku hardamaya Somalia ay xubno ka yihiin. Hase ahaatee waxaa jira arin aan taa ka fogeyn. Tusaale ahaan, dowladaha jaarka ayaa waxay doonayaa inay si hoose u maamulaan (micromanagement) hanaanka maamul loogu dhisayo deegaan kasta oo kamid ah Somalia. Ujeedada ugu wayni waxay tahay in Somalia ay ka dhisanto dowlad ay isku halayn karaan oo aanay danahooda khatar ku ahayn. Dowladaha jaarka ah ayaa ka cabsi qaba riyadii Somaali weyn inay soo noqoto. Sidoo kale waxay ka cabsi qabaan in nidaam la mid ah kii maxaakiimta uu dalka ka samaysmo oo amnigooda iyo jiritaankooda khal khal gelin kara. Talaabada ah deris wanaag ayaa dowladaha shisheeye waxay usii marayaan wadooyin khaldan ayagoo ka faa’iideysanaya nidaamka jilecsan ee dalka, hogaan xumada madaxada dalka iyo gobolada iyo weliba ciidamada ka jooga dalka ee la sheegey inay nabadda soo celinayaan. Intii aan u shaqaynayay beesha caalamka waxaan ogaaday in ciidamada dowladaha shisheeye ka jooga dalka qaarkood ay ku lug leeyihiin ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha, sonkorta iyo ugaadha. Sidoo kale waxaan ogaaday in reer galbeedka iyo dowladaha jaarka ah aanay marna isku aragti ka noqon arimaha Somaaliya. Markaad eegto dhamaan nidaamyada ka dhisan dalka waa kuwo ku yimid rabitaanka dowladaha jaarka ah marka laga reebo Galmudug. Sidoo kale maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dowladaha jaarka ah toos ugu xidhan oo si ka dhaw siday Muqdisho ugu xidhan yihiin bay dowladaha jaarka ah ugu xidhan yihiin. Tani waxay u sahashay dowladaha jaarka ah in ay bahdilaan Somalia una arkaan dad mudan in wax loo sameeyo oo aanay ayagu waxba samaysan Karin. Sidoo kale waxay aaminsan yihiin dowladahani jaarka ah inay qayb wayn ku leeyihiin talo bixinta Somaaliya sidaa darteed ay tahay arin walba Somalia khusaysa in ayaga laga talo geliyo. Dowladaha jaarka ah ayaa aad u neceb in hogaan aragti dheer ama ay ka go’an tahay inuu Somalia ka saaro ku tiirsanaanshaha shisheeyaha uu kusoo baxo doorashooyinka Somalia. Sidaa darteed waxaan 2015 usoo joogay shir ay beesha caalamka wada joogeen oo aragtiyo iska soo hor jeeda laga dhiibanayay Ra’iisal Wasaarihii u dambeeyey ee la ridey ee Abdiwali Sheikh Ahmed kaasoo aragtiyo kala duwan ay dowladaha jaarka ah iyo kuwa reer galbeedkuba ka aamin sanaayeen. Dowladaha jaarka ah ayaa u arkayay Abdiwali inuu yahay qof aan khibrad badan u lahayn siyaadda (Naïve) halka kuwa reer galbeedku ay la dhacsanaayeen siyaasaddiisa oo ugu yaraan u arkayay inuu ahaa Nin daacad ah oo wax qabanayay. Dhismaha maamul goboleedka Galmudug ayay kasoo hor jeesteen dowladaha jaarka ah. In kastoo dhismaha maamulkaasi ay beesha caalamku gaar ahaan dowladaha reer galbeedku ku bixiyeen dhaqaale ka badan Shan malyuun oo doolar hadana waxaa meesha kasoo baxay hogaamiye aan dowladaha jaarka ku qanacsanayn sidaa darteed ugu yaraan looma muujin taageero lamid ah tii la siiyey Jubaland, Koonfur Galbeed iyo kuwa kaleba. Taasi waxay ku tuseysaa in ujeedka ugu wayn ee dowladaha jaarku uu yahay sidii ay gacantoodu ugu samayn lahaayeen hogaamiyayaasha kuna ilaalin lahaayeen kuraastooda.
  2. Dowladaha Turkey, Iran iyo kuwa khaliijka ayaa dano iska soo hor jeeda ka leh dalka waxaanay doonayaan inay hogaanka sare ee dalka ay awood wayn ku yeeshaan. Dowladahani waxay isticmaalaan dhaqaale badan oo sooryo ahaan loo siiyo madaxda dowladda ama miisaaniyadda dowladda lagu kaabo. Dhaqaalahani oo aan inta badan soo marin hab xisaabeedka dowladda oo toos loogu shubo sanduuqyada xisaabeed ee khaaska u ah madaxda dowladda ama kaash ahaan loo siiyo ayaa loogaga bedeshaa madaxda inay u hogaansamaan rabitaanka dowladahani. Marka si guud ahaan loo eego waxaa meesha ku hardamaya laba xisbi diimeed oo ah Ikhwaanul Muslimiin oo Turkey iyo Qatar ay lacago badan ku bixinayaan iyo Wahabism oo Sacuudigu uu dhaqaale badan ku bixinayo. Imaaraadka Carabta ayaa lagu tirin karaa inay la safan tahay Sacuudiga in kastoo ay jiraan mabaadii’ ay isku khilaafsan yihiin, laakin markay timaado Wahabism iyo Ikhwaanul Muslimiin waxay Imaaraadku taageerayaan Wahabismka. Dowladda Iran ayaa ayadana himilo fog leh ayadoo doonaysa inay maalin uun aragto inay kooxo shiico ah ka samaysmaan Somalia kuwaasoo lamid noqon doona shiicada Yemen, Lebanon, Bahrain, Syria, Iraq, Iran iyo Sacuudiga. Hase ahaatee marka loo eego dowladaha khaliijka, Iran ma aha mid qorshe deg deg ah leh waxayna doonaysaa inay wax badan sahamiso inta aanay isku biimeyn inay dhaqaale badan kaga iibsato madaxda somaalida hir gelinta barnaamijka shiiceynta oo si wayn uga hir galay wadamo badan oo African ah oo ay kamid yihiin Uganda, Nigeria iyo wadamo kale oo ku yaala Afrikada galbeed. Iran oo hadda dunida dib ugu soo laabanaysa isla markaana awood u yeelanaysa kobcinta dhaqaalaheeda ayaa suuragal ah inay laba jibaarto danaha ay Somalia ka leedahay ayadoo lagu jiro marxalad xasaasi ah oo loo kala ordayo samaysashada isbahaysiyo Sunni iyo shiico kala taageersan oo dunida Islaamka ka dhisan. Guud ahaan dowladahani waxaa uu inta badan bar tilmaameedkeedu yahay hogaanka sare ee dalka ayagoo aan waqti badan ku bixin maamul goboleedyada in kastoo dowladda Imaaraadka aad moodo danaha ay ka leedahay dhuxusha iyo kalluunka ay sababayso inay usii gudubto heer dowlad goboleed.
  3. Dowladaha reer galbeedka ayaa aad uga aragti duwan dowladaha jaarka ee ay saaxiib dhaw yihiin isla markaan ay bixinayaan dhaqaalaha ciidamadooda kamidka ah AMISOM ee Somalia jooga. Dowladda Maraykanka iyo duwalka waawayn ee reer Yurub ayaa ka go’an inay Somalia ka taageeraan dhanka maamul wanaagga, cadaaladda, amniga iyo cadaaladda. Dowladahani waxaad moodaa inay dhibeyso nidaamka ku meel gaadhka ah ee Somalia kusii daba dheeraaday, joogitaanka AMISOM oo wax ka yar guushii ay ka filayeen soo hoyay iyo weliba musuq maasuqa iyo cadaalad darrada baahsan ee dalka la degtey. Tusaale ahaan dhismaha maamulka Galmudug waxay dowladaha UK, Netherlands, Sweden, Denmark, Norway iyo Midowga Yurub ku bixiyeen dhaqaale ka badan shan malyuun oo doolar si uu halkaasi uga samaysmo maamul goboleed. Waxaa xusuus mudan in taageerada dhaqaale ee laga heley dowladaha Carabta iyo Turkey aanay tani ku jirin oo taa gebigeeduba loo leexiyey in loogu ololeeyo Abdikarim Guleid. Sidoo kale waxay dowladahani reer galbeedka ah dhaqaale ka badan laba malyuun oo doolar ku bixiyeen dhismaha maamul goboleedka Koonfur galbeed halka dhismaha barlamaanka Jubaland iyo qoraalka dastuurka maamulkaasi ay ku bixiyeen lacago aad u badan. Intaa waxaa dheer in dowladahani ay danaynayaan in maamuladani ay cagahooda isku taagaan. Tusaale ahaan maamulka Koonfur galbeed markii uu dhismey waxaa loo qoondeeyey miisaaniyad dhank 16 malyuun oo doolar oo maamul goboleedka loogu dhisayo xafiisyo, gego dayuuradeed, qalab xafiiseed, hab xisaabeedka bangiyada iyo mushaharka shaqaalaha rayidka ah. Dhaqaale kaa lamid ah ayaa lagu bixiyey maamulka Jubaland dhismihiisa ayadoo mashaariic badan oo dowladda lagu taageerayo laga hir geliyey Kismaayo. Waxaa intaa dheer in Bangiga adduunka lixdii bilood ee u dambaysay 2015 Jubaland u ogolaaday lacag ku dhaw laba malyuun oo doolar oo lagu taageerayo shaqaalaha rayidka ah ee maamulkaasi. Taageero taa lamid ah ayaa loo yaboohay Koonfur galbeed. Galmudug ayaa rajo fiican loo muujiyay in laga caawiyo dhanka mashaariicda dib u dhiska ayadoo shuruud looga dhigay inay la heshiiso kooxda Ahlu Sunna. Taageerada intan le’eg waxaa ku saddex jibaarma tan ay dowladahani iyo dowladda Maraykanku ku bixinayaan taageerada dowladda federalka. Waxaa iyana la ogsoon yahay mashaariicda dhanka horumarka ee laga hir geliyay Puntland iyo Somaliland. Intaan ogahay, dowladahani waxay dabada ka riixayeen dowladda federalka muddo dheer si u samayso gudiyadii heer qaran ayadoo caga jiid badan uu Muqdisho ka jirey. Kolkaa waxaa cad inay dowladahani ka go’an tahay Somalia inay dhisanto oo ay iskeed isku maamusho. Waxaana dhibeysa oo runtii intaan ogahay aad u taabanaysa hogaan xumada iyo karti darada madaxda dalka ayagoo aan awoodin inay ajande siyaasadeed oo ka madax banaan Nin jecleysi, qabiil iyo dano shakhsiyadeed la yimaadaan. Dowladda UK waxay dadaal aad iyo aad u badan ku bixisey dhismaha ciidan qaran iyo boolis iyo dhismaha cadaaladda iyo maxkamadaha. In kastoo taageero farsamo iyo dhaqaale lala daba taagnaa dowladda Somalia hadana ma jirin daacadnimo dhanka kale waayo madaxda dowladu dan uguma jirto in ciidan qaran dhismo maadaama maliishiyaad badan oo reero ku yimi meesha ay ka baxayaan, maadaama tiro badan oo been ah oo lacag lagu qaato meesha ay ka baxayaan, sidoo kale maadaama ay tani ka hor imanayso danaha dowladaha jaarka ah. Run ahaantii iimay muuqan rabitaan dhanka beesha caalamka ah oo ah inay Somalia dib ugu celiso wadadii hore ee laga soo gudbey waxaase hubaal ah inay dowladaha reer galbeedku marna aragti kula ahayn dowladaha jaarka ah oo wax badan ay ku kala aragti duwan yihiin.

Somaalida ayaa lagu yaqaanaa qab wayni iyo faan taasoo runtii ay ka reebtey dunida kale. Faankaasi iyo qab weynidaa oo ay usii dheer tahay qabyaalad sii fogaatay iyo dano shakhsiyadeed ayaa dalka ka dhigtey xarun NGO oo loo soo shaqo tago. Tusaale ahaan xukuumadihii kala dambeeyey ee Muqdisho ayaa kala xukumayay kooxo isku duuban oo iska soo habar wacda debedaha oo damacoodu uu yahay inay inta ay halkaa joogaan dhaqaale badan gurtaan. Aragti taa lamid ah ayaa ka jirta maamulada dalka ka dhisan dhamaantood oo noqday meel kolba qolada joogta ay dhaqaalaha guranayso oo marnaba aan jirin aragti wadaninimo oo dalka iyo dadka lagu horumarinayo oo lagu joojinayo tahriibta, sicir bararka, dhaqaale xumada iyo amni darrada.

Muddooyin badan ayay Somalidu odhan jireen dalka inuu ka degi la’yahay faro gelin shisheeye. Aayadoo ay taasi dhab tahay ayaa su’aashaydu waxay tahay Somaalidu horta maka maarantaa faro gelin shisheeye?

Shirkii Madasha ee Kismayo

Shirkii dhawaan ay xubnaha madashu iskugu yimaadeen Kismaayo oo ay uga arinsanayeen mustaqbalka dalka ayaa tijaabo u ahaa kartida iyo madax banaanida hogaamiyayaasha Somaalida maadaama aanay shirkaasu goob joog ka ahayn xoogag shisheeye wallow telfoon lagula soo hadlayay intooda badan. Dabcadn qof kastoo wax garad ah wax badana ka og hogaan xumada Somalia haysayay wuu ogaa wax badan inaan laga filan Karin shirkaasi maadaama ay gacan shisheeye oo wax u yeedhisa Somalida meesha ay ka maqnayd. Ugu dambayna way ku fashilmeen madaxdu inay Somaalinimo isku tanaasulaan oo ay wax isku raacaan. Caatifadda qabiilka, damaca shakhsiyadeed iyo is xulafaysiga ayaa ka xoog batay danaha qaranka ee ay ku faanayeen in loo idmaday. Ugu dambayn waxaa dhacday in quwado shisheeye ay u sheegeen inaanay kala tegi Karin ilaa ay go’aan gaadhaan. Su’aashu waxay tahay ma yihiin dadkaasi dad madax banaan mana mudan yihiin in la siiyo kalsooni ay dalka ku hogaamin karaan? Hogaamiyaha dhabta ah sow ma aha kan go’aan qaadasho leh oo tanaasula oo danta umadda ka hor mariya tan shakhsiga haddii aynu dib u jaleecno sida uu Nebigu sameeyey heshiiskii Xudeybiya ee uu la galay qoladii kasoo hor jeedey asagoo tanaasul ay asaxaabtu aad ula yaabtay ku dhaqaaqay. Dabcan Rasuulku waxa uu ahaa hogaamiye dhab ah oo daacad ah oo umaddii joogtay iyo kuwa iman doonaba danahooda iyo danaha diinta ka fekerayay.

Maanta oo lagu soo kala kacay shirka Kismayo waxaynu sugeynaa in ay beesha caalamku iskugu yeedho hogaamiyayaasha una yeedhiyaan go’aanada ay qaadanayaan waayo kol haday ayagu go’aan gaadhi waayeen waa in loo gaadhaa markaa. Dabcan arintani horey baynu u aragnay markii Abdiwali Gaas iyo Abdikarim Guleid ka war-wareegeen inay heshiis gaadhaan kadib dagaalkii Galkacyo, waxaa soo kala dhex galay beesha caalamka oo ku amartay inay heshiiyaan.

Somalida koonfureed maxay Somaliland ka baran kartaa?

Somaliland nidaamka dowladnimo iyo is xukunka kaga horeysey Somalia. Dabcan dagaalo sokeeye iyo qabyaaladba wuu soo maray geyiga Somaliland waxaase laga soo gudbey markii uu xilka la wareegey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo dowladnimada dadka dareensiiyey kasbadayna inuu helo kalsooni uu shacabka hubka kaga dhigo maliishiyaadkooda kala joogayna isku geeyo oo uu qarameeyo. Ugu dambayn Cigaal wuxuu qorey distoor afti loo qaaday doorashana lagu galay.

Run ahaantii nidaamka axsaabta ee Somaliland ayaan la odhan Karin waa mid dhamaystiran waana mid weli salka ku haya qabiil hase ahaatee wuxuu badiil fiican u noqdey habka 4.5 ee ay dowladda federaalku weli la daalaa dhacayso. Somaliland waxay caan ku noqotey isku tanaasul waxaana khilaafaadyo badan oo siyaasadeed oo geyigaasi soo maray lagu dhameeyey isku tanaasul dhinacyada is haya ayadoo amniga shacabka iyo nebed gelyada laga dhigey raasul maal aad loo ilaashado.

Sanadkii hore ee 2015 markii ay khilaafaadyo iyo rabshado ka dhasheen muddo korodhsigii ay golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda Siilaanyo, waxaa jirey dareen ay beesha caalamku ku muujinaysay inay kusoo dhex gasho mucaaradka iyo muxaafidka Somaliland una dhex dhexaadiso. Waxaa taa si cad u diidey hogaanka mucaarad iyo muxaafid waxayna sheegeen inay ayagu isku filan yihiin. Magaalada Nairobi waxaa ka jirey dareen runtii ay beesha caalamku ku muujineysey siday uga xumaatay go’aankaasi waxaana hakad la geliyey qaar kamid ah mashaariicda horumarineed ee Somaliland. Taasi may soo debcin Somaliland waxayna beesha caalamku khasab ku noqotey inay waqti badan iyo dulqaadba ku bixiso sugitaanka go’aankii maxkamadda dastuuriga ah ee loo gudbiyey codsi ah inay ka qar naqdo. Markii ay maxkamadu ku dhawaaqday go’aankeedana mucaaradkuna ay soo dhaweeneen beesha caalamku way soo dhawaysay waxayna dib u bilowdey mashaariicda hakadka ku jirey. Runtii maxkamadu waxay ansixisey go’aankii muranka dhaliyay ee guurtida hase ahaatee waxaa aad loogu farxay sida artintu u ahayd mid sharci loo maray oo aan shisheey soo kala dhex gelin.

Taa waxaa la mid ahayd rabshadihii ka dhex abuurbay golaha wakiilada ee maamulkaasi ee la doonayay in mooshin lagu ridayo Gudoomiyaha golaha Abdirahman Cirro lagu marsiiyo kaasoo rabshado dhaliyey iyo gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golahaasi oo isku dhex feedhey golaha dhexdiisa. Dhacdooyinkani iyo kuwa kale oo dhimasho iyo xabsi sababay oo ka dhacay geyigaasi ilaa waagii uu Daahir Rayaale ka ahaa madaxweyne ayaan faro gelin shisheey looga baahan in lagu xaliyo.

In kastoo Somaliland ay sheegato inay gooni uga go’dey Somaaliya hadana waxaa xaqiiq ah taan go’aan ka gaadhisteeda inay Somaalida uun u taalo. Waxaa sidoo kale xaqiiq ah in waqooyi iyo koonfur aanay sina u kala maarmin caalamkuna uu maanta isku soo dhawaanayo intuu sii kala fur furmi lahaa isla markaana way adag tahay in Qaramada Midoobey cod looga helo Somaliland si ay gooni isku taagto waqti xaadirkan. Hadaba haddii ay arintu sidaa tahay, dowladda federaalku diyaar ma u tahay inay soo dhawaysato Somaaliland? Haddii ay haa tahay waxaan hubaa Somaliland inay ciyaari karto kaalin ay ciyaarayaan shisheeyaha oo ay ugu wayn tahay dhex dhexaadinta hogaamiyayaasha. Somaaliland waxay dhigi kartaa gogol ay iskugu keeneyso madaxda dalka isla markaana lagu kala war qaadan karo, waxayse taasi iman kartaa marka ay qab waynida, qab yaaladda iyo weliba damaca shakhsiga uu meesha ka baxo.

W/Q: Hussein Hassan

Hussein.hassan49@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Arragtida ku qorani maqaalkani waa mid ii gaar ah aniga mana aha mid aan cid ku metalayo.