Soomaaliya ‘oo dhibco siyaasadeed horleh’ ka heshay socdaalkii Xasan ee Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Midowga Afrika waa magaalada Addis Ababa. Ethiopia waxay weligeed laheyd awoodda iyo galaan-galka ugu xooggan Midowga Afrika, maadaama ay xarunta ku taallo waddankeeda.

Sabtidii waxaa jiray shir gaar ah oo ay lahaayeen madaxweynayaasha dalalka qaaradda Afrika oo dhan. Wuxuu ahaa shir gaar ah oo ka horreeyay midka guud ee madaxda.

Ethiopia waxay Sabtidii isku deyday inay dhaafiso shirkaasi gaarka ah, si uusan madaxda Afrika ula wadaagin gefka ay Addis Ababa ku kacday 1-dii Janaayo iyo sida ay u dhaawaceyso midnimada Afrika, derisnimada iyo shuruucda caalamiga ah.

Itoobiyaanka waxay shalay ku adkeysteeen madaxweynaha Soomaaliya inay gaarigiisa raacan ilaali Itoobiyaan ah illaa xarunta Midowga Afrika. Inuu madaxweyne Xasan Sheekh aqbalo in darawalkiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ee la saaran gaariga ay noqdaan Itoobiyaan waxay sawiraysay halis amni iyo sidoo kale muujinta in uusan dhib ku qabin falkii ay dhawaan ku kacday dowladda Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiday in gaarigiisa uu nin Ethiopian ah kaxeeyo, ayna la raacan ilaalo Ethiopian ah, beddelkeedana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu haysto ilaalo Soomaali ah, balse Ethiopia ayaa diiday iyaga oo ku dooday inay sharci tahay in iyagu darawal iyo ilaalaba ka noqdaan gaariga qaadaya madaxweynaha Soomaaliya.

Arrintaasi waxay dhalisay inuu meesha buuq ka dhaco, kadibna madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku laabtay hoteelkiisa. Buuqa wuxuu gaaray dhamaan madaxdii qaaradda Afrika ee shirka u joogay waddanka Ethiopia, waxaana markaas kadib arrinta soo fara-geliyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo madaxweynaha ugu tegay hoteelkii uu deganaa kana codsaday inuu gaarigiisa la raaco, kaas oo ay la socdeen ilaalo Jabuutiyaan ah.

Waxaa la fahamsan yahay inay Ethiopian-ka rabeen in Xasan Sheekh ay dhaafiyaan shirka gaarka ah, oo madaxweyne walba kaga hadlayo mowduuca uu rabo ama ku taagan, si ay madaxda kale ee qaaradda Afrika ula arkaan culeyskaasi.

Ethiopia waa ogeyd inuu Xasan Sheekh kulankaasi gaarka ah uga hadli doono is-afgaradkii ay la gaareen Muuse Biixi Cabdi. Markale Ethiopia oo rabtay inay Xasan Sheekh dhaafiso shirkaasi gaarka ah ayaa diiday inay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti siiso mudnaantii waddooyinka oo lama siinin maamuskii waddooyinka, si ay waqti ku haboon shirka u tagaan.

Si walba, Xasan Sheekh waa uu ka gaaray shirkii gaarka ahaa, wuxuuna halkaasi ka jeediyay kalmad 7 daqiiqo ah, isaga oo sheegay in ficilada Ethiopia aan la aqbali karin, is-afgaradkii lala galay gobol Soomaaliya kamid ah 1-dii Janaayo uu yahay mid dhaawacaya heshiisyada caalamiga ah iyo midnimada qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi kadib diiday inuu sugo shirka guud, waxaana uu kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga oo u sheegay in habka loola dhaqmay wafdigiisa ay dhaawac weyn ku tahay Midowga Afrika, ayna qasbi doonto in laga fiirsado in Addis Ababa mudan tahay in la iskugu yimaado markale, kadibna madaxweynaha Soomaaliya wuxuu usoo dhoofay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ka jawaabaya caradii madaxweyne Xasan Sheekh iyo hadalladii kululaa ee uu ka jeediyay shirkii gaarka ahaa, ayaa kulanka guud ka sheegay inuu dhowr jeer codsaday in madaxweyne Xasan Sheekh gaar u kulmaan isaga oo u maray madax ay kamid yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ruto, balse uu dhamaan diiday madaxweyne Xasan Sheekh.

Abiy wuxuu sheegay inuu rabay in madaxweynaha Soomaaliya gaar u doodaan, laakiin taas uu Xasan Sheekh diiday, balse Abiy Axmed ma uusan sheegin sharuuda uu Xasan Sheekh ku xiray oo ah in marka hore Ethiopia ka laabato is-afgaradka, markaa kadibna ay labada dhinac wada-hadli karaan.

Go’aankii Sabtidii ee madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka dhigan in adduunyada, gaar ahaan Afrika la tusay sida ay Ethiopia ugu fashilantay marti-gelinta shir-madaxeedka qaaradda Afrika, in madaxweyne Xasan Sheekh laga hor istaagi waayay inuu dhamaan madaxda qaaradda Afrika ka hor sheego gabood falka Abiy Axmed iyo inay Soomaaliya weli diyaar u tahay inay dariiq sharci ah oo aan dhuumasho aheyn ku difaacato biyaheeda ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo bogaadin leh.

Muqdisho ayaa qash-qashaadii lagu sameeyay wafdigeeda la wadaagtay Midowga Afrika, wallow ay gaartay hadafkeedii ahaa inay dhamaan dalalka Afrika u cadeyso diidmadeeda biyaha iyo sida ay arrintaasi u baal-marsan tahay sharciga caalamiga ah, midka qaaradda Afrika, derisnimada iyo sida ay u dhaawici karto xasilloonida gobolka.