SSC-KHAATUMO oo DF Soomaaliya u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC- Khaatumo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in mashaariicda loogu tala-galay deegaanadeeda loo soo marsiiyay Somaliland, taasi oo ay sheegeen mid aysan aqbaleyn marnaba.

Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Shiine ayaa waxa uu sheegay in tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ay muujinayso inay weki aaminsan tahay in deegaanada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Somaliland, xilli ay SSC si madax banaan u maamulato deegaanadeeda.

“Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan,” ayuu yiri Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC.

Waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in dowladda federaalka mashaariicdii loo qoondeeyay in laga fuliyo SSC-Khaatumo ay geyso magaalada Hargeysa, isagoo xusay inay horey dowladda uga tabanayeen in aysan kasoo bixin kaalinta ay ka filayeen.

“Ma waxaa la rabaa in mashaariicahaas (la geeyay Hargeysa) ay Somaliland ku gadato hub iyo saanad ay kusoo weerarto SSC- Khaatumo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Maxamed Shiine.

Ugu dambeyntiina wuxuu dowladda federaalka ku booriyay in looga baahan yahay inay mashaariicda u qeybiso si caddaalad ah, “si gaar ahna u eegto deegaaanada nugul sida SSC- Khaatumo,” sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya 60 Milyan oo dollar u qoondaysay in lagu bixiyo arrimaha waxbarashada, ayada oo deegaanada laga fulinayo mashruucaan oo socon doona 3 sano aysan ku jirin SSC.