Tallaabada uu madaxweyne Xasan qaaday ma mid Puntland lagu qancinayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland waa maamulka gobolkeeda ugu badan ee wax ku biiriyay diyaarinta Dastuurka Soomaaliya tobankii sano ee lasoo dhaafay, kaas oo ay weli shaqadiisa dib u eegista ay socoto.

Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkiisa ay sagaal bilood ka dhiman tahay ayaa weli ku jira dagaal siyaasi ah iyo gorgortan heer federaal iyo heer maamul goboleed ah. Laakiin nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda in uusan qaldaynin halka ay Puntland xisaabta siyaasadda ka leedahay.

Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha wadatashiga Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Baydhabo wuxuu hoosta ka xariiqay xalinta tabashooyinka hogaamiyaha Puntland, kaas oo ay tabashooyinkiisa u badan yihiin kuwa shaqsi ah.

Salaasadii waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay kadib soo-jeedinta ra’iisul wasaaraha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka.

Guddigan oo shan xubnood ah ayaa waxaa lagu kabi doona shan kale oo si korjoogteyn ah u shaqeynaya oo ka imaan doona shanta maamul goboleed, waxaana uu madaxweyne Xasan Sheekh guddigaan madax uga dhigay Burhaan Aadan Cumar oo kasoo jeeda Puntland.

Burhaan waxa uu ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad, sidoo kale waa sharci yaqaan barre iyo la-taliye ka ah hay’addaha kala duwan ee dowladda federaalka. Wuxuu xubin ka ahaa guddigii labada Aqal ee dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaankii 10-aad.

Marka laga tago in Burhaan waayo-aragnimadiisa lagu doortay, haddana dadka badi waxay leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda mid si weyn u ilaalinaya doorka Puntland ee dib u eegista dastuurka.

Guddigan waxaa sidoo kale ku jira Xildhibaan hore Maxamed Xasan Idiris iyo sidoo kale Farxiya Muumin Cali oo labaduba ka tirsanaan jiray baarlamaankii 10-aad.

Shaqada Dastuurka Soomaaliya ayaa si weyn u dheeraatay, dadweynaha waxaa si weyn looga iibiyay in shaqadani tahay mashruuc la biisho. Sidoo kale waxaa jira sheekooyin faafay oo la xiriira in Dastuurka Soomaaliya ay ku jiraan qoddobo badan oo khilaafsan Diinta Islaamka.

Waxaa aad u yar xogta ay bulshada Soomaaliyeed ka hayso nooca dastuurka ee loo diyaarinayo dalka.

Haddaba, guddigaan cusub waxaa hortaalla xal u helida tafsiirka qaldan ee la dulsaaray dastuurka, kor u qaadida xogagaalnimada dadweynaha ee arrimaha dastuurka iyo dadajinta dhameystirka.