Waa kuma Axmed Macallin Fiqi – Siyaasiga xilalka badan kasoo qabtay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shalay magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ka mid ah Axmed macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, isagoo horena xilal kala duwan hore usoo qabtay.

Waxa uu hore u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, bishii August sanadkii 2022 loo magacaabay.

Bishii Oktoobar sanadkii 2021 ayuu iska casilay xilkii Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Galmudug, isagoo dhaliilo xilligaas u jeedinayay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Haddaba waa kuma Axmed Macallin Fiqi?

Sannadkii 1971-kii ayuu Axmed ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga Hoose/Dhexe iyo sare waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Kaddib markii uu dhammeystay labo sano oo adeegga militariga ah, wuxuu sannadkii 1988 ku biiray jaamacadda Umadda oo uu ka baranayay cilmiga sharciga. Hase ahaatee markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu waxbarashadiisa ka soo dhameystiray dalka Suudaan.

Markii uu ka soo laabtay waxbarashada dibadda, oo sidoo kale ay qayb ka ahayd jaamacad uu u aaday Malaysia, waxa uu Soomaaliya ka noqday bare.

Wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta saameynta ku leh Soomaaliya ee wax ku soo bartay Suudaan. Fiqi waxa uu dalka Suudaan wax ka baranayay intii u dhaxeysay sannadihii 1992 ilaa 1998.

Doorka siyaasadda

Xildhibaan Axmed Macallim Fiqi waxa uu xirfaddiisa siyaasadeed soo billaabay xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah ay qabsadeen qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana la sheegaa in uu saaxiib dhow la ahaa guddoomiyihii maxaakiimta ee xilligaas, Shariir Sheekh Axmed.

Sannadkii 2011, waxa uu ka mid noqday xubnaha loo doortay baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo uu siyaasaddiisa sare uga sii qaaday.

Intii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, Fiqi waxa uu noqday danjiraha Soomaaliya ee dalka Suudaan. Xilka Safiirka waxa uu hayay intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2011.

2015, waxa uu qayb ka ahaa aasaaskii xisbiga Daljir oo ay ku mideysnaayeen isaga, Shariif Sheekh iyo siyaasiyiin kale. Xisbigan waxa uu 2015 ilaa 2018, ka ahaa Xog-hayaha guud.

Agaasimaha hay’adda NISA

Axmed Macallin Fiqi wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu saameynta badnaa ee soo maray hoggaanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya.

Intii u dhaxeysay bishii May ee sannadkii 2011 ilaa bishii March ee 2013, ayuu ahaa agaasimaha guud ee hay’adda NISA oo ah mid awood badan.

Xilkaas markii uu qabanayay waxaa madaxweyne ahaa Shariif Sheekh Axmed, markii uu shaqada ka tagayayna waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu shaqo weyn ka soo qabtay NISA uuna dhidibbo adag u taagay.

Isku daygii madaxweynaha Galmudug

Intii ay socotay doorashadii 2016 ka dhacday Soomaaliya waxa uu ka ahaa musharraxa xilka madaxweynaha ee maamulka Galmudug oo ka mid ahaa shanta dowlad goboleed ee ka Soomaaliya.

Waxaase tartankii kaga guuleystay Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxayna natiijadu ahayd mid ay codadkii isu dhawaayeen.

Bishii November ee sannadkii 2016, ayaa mar kale loo doortay inuu xubin ka noqdo Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxa uu golaha ka soo galay deegaan baarlamaaneedka Cadaado ee ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

2018, xisbigiisa Daljir waxay isbahaysi la sameysteen xisbiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna si wadajir ah ugu dhawaaqeen xisbiga nabadda iyo Horumarka oo ay daah fureen bishii October ee isla sannadkaas.

Wasiirka amniga ee Galmudug

Dad badan wuxuu kaga yaabsaday go’aankii uu ku noqday Wasiirka Amniga gudaha ee maamul goboleedka Galmudug, kaddib markii uu madaxweynaha noqday Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Bishii April ee sannadkii 2020 ayuu xilkaas kala wareegay Saadaq Sheekh Yuusuf.

Intii uu xilkaas hayay waxa uu sidoo kale maamulka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland kala shaqeynayay howlaha la xiriira nabadda iyo sugidda amniga

7-dii bishan October, sannadkii 2021, ayuu boggiisa Facebook ku shaaciyay “in uu warqad is casilaad ah u gudbiyay madaxweyne Qoorqoor”, kaddib markii sida uu sheegay ay isku fahmi waayeen xallinta xiisadda colaadeed ee ka taagneyd Galmudug.

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?

Isha: BBC Somali