War cusub: Maxaa ka jira in Xasan Sheekh iyo Ruto ay ka xaajoodeen arrimaha badda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wafaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo saaray qoraal uu ku beeniyey war ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, kaas oo sheegayey in laga wada xaajooday xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeysa.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay shalay in Kenya ay soo jeedisay heshiis badda ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Somalia ee ku saabsan saldhigga ciidamada Badda Itoobiya ka doonayaan Somaliland.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna sheegay in Soomaaliya aysan marna aqbaleyn qorshaha Itoobiya ay saldhig ciidamo kaga dhisaneyso Somalialnd, ayna ka fiirasnayaan in la siiyo dekad ganacsi, hadii taas laga hadlo.

Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X (ex-Twitter) kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa bilowgii bishii Janaayo la gashay Somailland heshiis la sheegay in 20 KM ay kaga kireysaneyso xeebta iyo dhul ay saldhig ciidan ka sameysayo Itoobiya, damacaasna waxaa si weyn uga gilgilatay umadda Soomaaliyeed.

Reuters ayaa shalay qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.