Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay dhibaatooyin horleh kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo sii xoogeystay.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, kaasi oo u dhaxeya ciidamada millateriga Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda deegaanka oo iyagu kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saddexda maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato.

Dhakhaatiirta oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen tirada gawaarida gurmadka deg-degga ah ee ambalaasta oo aad ugu yar magaalada oo laga soo tebinayo khasaare badan.

“Waxaan la tacaalnay dhowr qof oo dhaawac ah hal qofna wuu dhintay maanta, kani waa hal isbitaal, waad qiyaasi kartaa xaaladda ka jirta isbitaallada kale ee Somaliland. Waxaan fileynaa in ay tiradu kor u kacdo. Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan,” ayuu yiri Dr Cabdi Majiid oo la hadlay BBC.

Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay caqabad weyn ka heysato sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay isku dhaca oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Sidoo kale dad badan ayaa ka barakacay magaalada.

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi.