Wareysi: Dhageyso Saabey oo jawaab ka bixiyey amarka ay DF bixisay ee lagu soo xirayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimaha la xiriira eedeymaha musuq-maasuq ee loo haysto iyo amarka soo qabasho ee dowladda.

Muxiyadiin Saabey oo la hadlay VOA ayaa ugu horreyntii iska fogeeyay inuu baxsad ka yahay dowladda federaalka, xilli xogo hoose oo aan helnay sheegayaan inuu ka baxay caasimadda oo uu gaaray deegaanka Guulane ee Shabeellaha Hoose oo uu kasoo jeedo.

Muxiyadiin ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay inuu ku lug leeyahay eedeymaha loo haysto ee musuq-maasuq, isaga oo sheegay in dhowr jeer baaris xafiiskiisa lagu sameeyay

Waxa uu sheegay in loo soo jaray waaran qabasho, iyada oo aan looga wicin maxkamadda iyo hay’adaha kale ee garsoorka, xilli ay xiran yihiin saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

“Wax gaar ah oo shaqsi ah oo aniga la igu haysto ima soo gaarin. Aniga lacag ma qabto oo khasnaji ma ihi, lacagna ma qaado oo bank ma ihi. Waxaa ku shubna akoonada bank-ga dhexe ee dowladda ugu tala-gashay, kamana bixin karno,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey oo la hadlay VOA.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay haddii ay jirto cadaalad la isku haleyn karo uu diyaar u yahay inuu ka gar baxo Xeer Ilaalinta oo sida la fahamsan yahay iyadu soo jeedisay eedeynta loo xirayo Muxiyadiin.

“Cadaaladda hadii ay noqoto tii la yaqaanay oo la isku haleyn karay, laakiin cadaaladda iyada oo aan la iiga wicin maxkamadda oo aan diidin oo la ii iman waaran la ii soo jaro, taasi cadaaladda ma noqon kartaa,” ayuu yiri Muxiyadiin Saabey.

Waxa uu intaas kusii daray “Xalkeygu waa iska cad yahay, aniga muwaadin ayaa ahay, dembi ma gelin ee ciddii dembi igu haysa si rasmi ah aan iskugu imaano maxkamadaha.”

Si kastaba, Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro.

Sababta isaga loogu billaabayo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku beel yihiin, uu ka cabsanayo in haddii uu xiro saraakiil kale oo sare oo beelo kale kasoo jeedo loo arko arrinta mid qabyaaladeed, sidaas darteedna uu go’aansaday in laga billaabo Saabey.

Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda federaalka, xilli uu sii xoogeysanayo olole baaritaan oo uu wado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsan musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda oo ilaa hadda loo xiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.