Wareysi: Wasiir Cali Balcad oo shaaciyey caqabado maanta loo dhigay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa faahfaahin bixiyey caqabado uu maanta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh kala kulmay dowladda Itoobiya, intii uu ku howlanaa ka qeyb galka shirka madaxda Midowga Afrika.

Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweynaha ku xujeysay in ciidankiisa laga reebo, iyagoo sheegay inay ku darayaan askar Itoobiyaan ah oo amnigiisa sugeysa, kuwaas oo geynaya howlka shirka lahu qabtay.

Xasan Sheekh ayaa diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu raaco, iskuna aamino, wasiir Cali Balcad wuxuu sheegay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirka.

Markii ay xaaladdu isku cakiran tahay waxaa hotelkii uu Xasan Sheekh deganaa ugu yimid Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Xasan Sheekh ka codsaday inuu la raaco gaadiidkiisa oo ay laheyd safaaradda Jabuuti ee Addis Ababa, sidaas ayuuna ku raacay Xasan Sheekh.

Dowladda Itoobiya waxay diiday inay jidadka u xirto labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti, shacabka iyo gaadiidka madaxda ayaa is dhex-qaaday, waxay halkaas ka dhalatay inay shirka ka daahaan Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle, sida uu sheegay wasiir Cali Balcad.

Wasiirka ayaa intaas ku siidaray in madaxweynaha Soomaaliya ay u suurta gashay inuu madaxda 54 dal oo Afrika ah la wadaago xadgudubka ay Itoobiya ku heysto Soomaaliya, markii uu khudbadda dhameystana wuxuu isaga baxay hoolka shirka.

Madaxweyne Xasan oo go’aansaday in markii uu khudbadiisa jeediyo ka soo dhoofo Addis Ababa ayaa inta uusan soo bixin kulan gaar ah la yeedhay guddoomiyaha Midowga Afrika Muse Faki Mohamed, isagoo ku dacweeyey Itoobiya, una sharaxay caqabadihii maanta la hor dhigay si looga baajiyo shirka.

Intaas kadib wafdiga madaxweynaha ayaa si nabad ah uga soo dhoofay garoonka Addis Ababa, wuxuuna gabal-dhicii nabad yimid Muqdisho.

Soomaaliya waxaa shirkaas ku sii metelaya wafdi kale oo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu hoggaaminayo, waxaana shir madaxeedkaan Midowga Afrika uga socda Addis Ababa lasoo gabagabeynayaa berri galab.

Hoos ka dhageyso wareysi uu Radio Muqdisho siiyey wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.