Wasaaradda A/Dibedda oo ka laabatay qandaraaskii fadeexadda culus dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somaaliya ayaa beenisay in shirkad gaar ah loo xiray dal-ku-galka Kenya kadib caro ka dhalatay warqad ay waraabinta heshay oo 15-kii Febraayo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda. 

Warqaddaas oo Arbacadii ay daabacday Caasimada Online ayaa tilmaameysay in dowladda Soomaaliya ay u ruqsad ku siisay hal shirkad oo uu magaceedu yahay Global Tour and Travel Services inay loo maro codsiyada dal-ku-galka Kenya. 

Hase yeeshee, warqad ay xalay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu beeniyay in dowlada Somaaliya ay shirkad gaar ah u xil saartay dal-ku-galka Kenya.

“Waxaan dooneynaa in aan adkeyno in dowladda Soomaaliya aysan ruqsad ku siin hay’ado ama shaqsiyaad fududeeya codsiyada dal-ku-galka Kenya iyaga oo matalaya muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu qoray warqadda wasaaradda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Villa Somalia ay culeys ku saartay wasaaradda arrimaha dibada inay ka shaqeyso fulinta heshiis-kii Soomaaliya iyo Kenya ee ahaa in dadka Soomaaliyeed dal-ku-galka ay ka qaataan xuduuddaha iyo garoomada diyaaradaha Kenya dhib la’aan. 

Madaxtooyada ayaa la sheegay inay aad uga carootay arrintan oo ay u aragtay mid sumcad dil ah, sidoo kalena dhibaato ku ah shacabka doonaya dal-ku-galka Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibedda sidoo kale warqadda ay soo saartay ku sheegtay inay ka rajeynayso dowladda Kenya inay fuliso heshiiskii ku saabsanaa fududeynta isku socodka muwaadiniita kaasoo Soomaaliya iyo Kenya ay wada saiixdeen 15-kii July, 2022.  

“Waxaan caddeyneynaa in dowladda Soomaaliya ay ka rajeyneyso dowladda Kenya in ay dhaqangeliso heshiiskii ahaa in dal-ku-galka la siiyo dadka baasaboorka Soomaaliga ah sita marka ay soo gaaraan dalka Kenya, sida ku cad war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee 15-kii July, 2022” ayaa lagu sheegey warqadda.

Hoos ka aqriso warqadda