Wax ka ogow shanta dhinac ee safarkii Sheekh Shariif iyo FARMAAJO ee Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii cisho ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Garoowe joogay labadii madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay la kulmeen hoggaanka maamulka Puntland, kadibna waxay soo saareen war-murtiyeed ka hooseeyay shirarkii jaraa’id ee ay gaar gaarka ugu qabteen magaalada Muqdisho intii aanay aadin magaalada Garoowe.

Socdaalkoodii Garoowe iyo farriintii ay wada-jirka usoo saareen Farmaajo iyo Shariif ayaa dhowr jiho ka eegayna xilli ay Puntland diiday inay war-saxaafadeedka qeyb ka noqoto.

1. Xiisadda iyo buuqa dastuurka

Socdaalka labada nin ee Garoowe wuxuu xoogga kor u qaaday baraaruga dhanka diidmada dastuurka. Soomaali ahaan iyo beesha caalamkaba inay wax ka beddelka dastuurka qalad uga dhex jeedaan laba madaxweyne oo hore waxay mowduuca u yeeshay muuqaal intii hore ka weyn.

Laakiin haddii aad is-weydiinayso buuqan iyo socdaalkan ma lagu joojin karaa Xasan Sheekh, jawaabtu waa uma badna.

2. Puntland oo aan deg deg ku jirin

Labadaa madaxweyne ee hore waxaa la sheegay inay Saciid Deni aad ugu cadaadiyeen inay u tagaan, balse uu isagu xooga cago jiid ah qabay.

Habkii soo dhaweynta, nooca farriinta iyo Puntland oo ka baaqsatay inay warkeeda ku darsatay waxay muujinayaan in uusan maamulka deg deg qabin ama go’aansaday inuu gaar u ugaarsado oo rag dano leh aanay isticmaalin.

3. Deni oo diiday in markale lagu dhex tahriibo

Sida iska cad Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu musharax u yahay Villa Somalia 2026, sidoo kale labada nin ee martida u ahaa iyaguna waa musharaxiin.

Waxaana gaab-gaabsiga Saciid Deni laga dareemay in uusan rabin in markale xooggiisa ay qolo kale ku macaashto. Mowduucii ahaa hebel ha baxo ciddii rabtana ha qaadato kursiga wuxuu u muuqda mid uu Deni ka gudbay iyo inuu hadda qaab kale u qaraabanayo isaga oo cid kale u rarneyn.

4. Lumintii doorka odeytinimada

Shariif iyo Farmaajo waxay markii hore fursad siyaasadeed ka dhex raadinayeen waan-waanta Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, laakiin farriintoodii u dambeysay ayaa taas soo afjartay, iyada oo ay jiraan warar sheegaya inay wada-hadallo gaar ah u socdaan Xassan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana labadii madaxweyne ee hore waa ugu dhamaatay qeybta odeyaynta siyaasadda, waana inay hadda inta ka dhiman waqtiga toos ugu bareeraan dagaalka Xasan Sheekh.

5. Qabashada gogol siyaasadeed oo loo dhameyn

Farmaajo iyo Shariif waxay soo jeediyeen shirweyne qaran, laakiin dowladdii xukunka haysatay wey kala dhinteen oo shir uguma yeeri karaan, markii horena sharciyadaas maba laheyn. Mucaaradkana qaar waa diidan yihiin labada nin, taasina waxay ka dhigan tahay in shir aan dowladda dhexe joogin, maamul goboleedyada badi rabin, mucaraadka ku kala qeybsan yahay in uusan qabsoomi doonin, ama haddii uu qabsoomo in uusan macno badan yeelan doonin.