Xaggee ayuu ka dambeeyay mooshinkii ka horreeyay midka R/W Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo ay haatan wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Xildhibaanka ayaa marka hore xaqiiijiyay jiritaanka mooshinkan, wuxuuna tilmaamay in xittaa ay xildibaanada wada ay isaga si toos ula soo xiriireen, si uu ugu biiro abaabulka.

Cabdiraxmaan Cabduqaadir ayaa dhaliilay sida ay wax ku wadaan xildhibaanadaasi iyo guud ahaan baarlamaanka oo uu tilmaamay in uusan xor aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintaa way jirtaa xittaa dhowr xildhibaan oo ila soo xiriiray way jiraan, laakiin mooshin in xildhibaano waqti fasax ah ay mar walbo si oor-kacsi ay usoo diyaariyaan oo aanan fuleyn waxaa u sabab u ah baarlamaanka ayaanan xor aheyn” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.

Sidoo kale waxa uu su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay mooshinkii kan horay ee laga keenay xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka iyo, isaga oo xusay in meel la’iska dhigay, markii la fulin waayay.

Waxa kale oo uu xusay in aragti ahaan uu qabo in uusan fuli karin mooshinka hadda laga wada ra’iisul wasaaraha, isaga oo sababta ku sheegay awood la’aanta baarlamaanka.

“Mooshinkan mooshin ayaa ka horreeyay mooshinkaas oo la dhaqan-gelin baarlamaankan ila ma’ahan inuu fulin karo in maanta xukuumadda kalsoonida lagala laabto. Wuu caddaa mooshinka waxaa jiray shaqo arrimo baarlamaanka quseeyay iy mooshin ay xildhibaanada wadeen oo ka dhan ah qof kamid ah saddexda guddoon” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Saaxibada waxaan dhihi lahaa maalin walba inaan meel ku dhacno waxaa dhaanta annaga horta inaan dib isku fiirino oo golaheena hagaagsano”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu socdo guux weyn oo ku aadan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo ay wadaan diyaarinayaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo hadda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada gudaha magaalada Nairobi.