Xasan Shekeh iyo Museveni oo kulan ka yeeshay dagaalka iyo qorshaha shirka TCC

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Uganda kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Mudane Yoweri Museveni.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dagaalka socda ee dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka waddamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweyne Museveni ayaa ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay la-dagaalllanka kooxda Al-Shabaab oo hadda galay wajigiisi labaad,.

Yoweri Museveni ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kaalin weyn ka qaadato dagaallada sifeynta Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalkeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada, si dalkeena hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan caasimada dalka Uganda ee Kampala ayaa shalay tababbar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.