Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada miyey kala shakiyeen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamullada weli isku dhinac uma socdaan.

Iyada oo dhawaan uu baaqday shir ay labada dhinac qaadan lahaayeen ayaa wararka hoose ee la helayo ay muujinayaan rejo ah inuu shirka dib u qabsoomi karo bisha May ee maanta bilaabatay.

Shirka kahor waxaa jira xiriiro gaar-gaar ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay qaar kamid ah madaxda maamullada.

Waxaa ugu weyn ee laga sii wada-hadlayo waa doorashada madaxda maamullada. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegaa inuu ku qanacsan yahay in aanay maamullada bisha Novermber ee sanadkaan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan illaa hadda wax shaqo ah laga qaban, halka uu sidoo kale si xooggan u diidan yahay in maamullada u ogolaado inay qabsadaan doorasho dadban, taas oo hadey dhacdo isagana ku celinaysa teendhada Afisyoone.

Mar haddii aanay maamullada lixda billood ee soo aadan ku qaban karin doorasho qof iyo cod ah, madaxweynuhuna uusan ogoleyn mid dadban dookha haray waa muddo kororsi.

Mid kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa laga soo xigtay inuu madaxweyne Xasan Sheekh rabo inuu siiyo muddo kororsi hal sano ah afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kaas oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2025.

Balse waxa uu sheegay hoggaamiye goboleedkaas in aanay iyagu ku qancin muddo kororsi labo sano ka yar, kaasi oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2026.

Sidoo kale shuruudda ay wataan madaxda maamullada waa in Villa Somalia toos ugu dhawaaqdo muddo kororsigaas cusub, oo aan laga dhigin go’aan ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Qodobkaan waa is-qaameyn siyaasadeed, maamullada waxay aaminsan yihiin in Xasan Sheekh uu rabo inuu sanadkaas ku meel-marsado sharciga doorashooyinka, sharciga axsaabta, kuna dhisto guddiga doorashada isagoo saddexdaba ku saleynaya rabitaankiiea gaarka, kadibna markii la gaaro May 2025 oo ay isaga hal sano u dhiman tahay inuu dhamaantood daadiyo kuna beddesho koox isaga kala shaqeyn karta rabitaankiisa heer federaal, taas oo ay madaxda maamullada aad u fahamsan yihiin una diidan yihiin.

Sababta dhinaca madaxweyne Xasan Sheekh iyaguna uga cago-jiidayaan inay bixiyaan muddo kororsi labo sano ah waa in haddii la isla gaaro May 2026 inuu waqtigoodu dhamaanayo, sidaas darteed madaxweyne aan sharciyad haysan cidna doorasho ma gelin karo oo tiisa ayaa u baahan in laga heshiiyo, sidaas awgeed waxay rabaan inay halka sano ku dirqiyaan maamullada oo ay danahoodana ku gaaran.

Waa xarig jiid culus, hal sano madaxda maamullada ayaa ku dhib qaba, laba sano waa Xasan Sheekh oo sharciyad la’aan ah oo aan maamullada waxba kaga duwaneyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh gorgortanka nuucaan ah keligii ayaa galaaya, isaga oo waayahan dambe la sheegay inuu taladdii u diiday saaxiibadii wax lasoo dhistay. Dhowr xubnood oo kooxdiisa kamid ah oo arrimahan wax ka weydiinay waxay qabaan walaac xooggan oo ku saabsan in siyaasad ahaan loo dhiman karo nuuc walba oo muddo kororsi ah oo la siiyo maamullada.

Madaxda maamullada qaar ayaa ka fekeraaya in haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh u diido muddo kororsi laba sano ah inay qabsadaan doorashooyin iskood ah, taas oo dhalin doonta buuq iyo qalalaase siyaasadeed oo horleh.

Madaxweyne Xasan Sheekh marka la eego marxaladda uu maanta ku jiro dhaqaale ahaan, maqnaashaha Puntland, niyad-jabka beesha caalamka iyo kalsooni xumada ka muuqata saaxiibadii wax la dhistay, waa ku qasban yahay inuu wax walba u sameeyo sidii uu kusii haysan lahaa afartaan maamul goboleed ee HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.