XASAN SHEEKH markii uu hadli waayey ayaa loo hadlay

Maaddada la dhaho “Political Communication” waxaa lagu bartaa muhiimadda ay xiriirka iyo la-hadalka dadku u leeyihiin fulinta ajandayaasha iyo siyaasadaha dawladda. Marka la isku xiraayo Siyaasadda iyo Xiriirka, waxaa la yiraa “Siyaasaddu waa hawl iyo hadal isla socda”. Haddii labadaas mid la waayo, kan kale waxba ma tarayo. Siyaasad hadal keliya ah waxaa fashilinaya hawl-la’aan. Mid hawl keliya ahna waxaa fashilinaya hadal-la’aan!

Waxaan isku dayay inaan baaro xogta ku saabsan Qubuuraha la faagayo. Waxaan maqlay in dhulka loogu talogalay saldhig ay Turkigu u dhisayaan si loogu tababbaro ciidamo badda ah oo Soomaaliya loo diyaarinayo. Waa qeyb ka mid ah heshiiskii difaaca ee dhex maray labada dal, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed u wada riyaaqeen.

Dhulku waa dhul hore oo ay dawladdu lahayd, isla ciidamada ayaana isticmaali jiray. Laakiin halkaan waxaa ku jira dhawr nasiibdarro:

1. Ma badna warbaahin xogta raadisa. Waxaa lagu wada kaaftoomay oo xiiso yeeshay hadalhaynta baraha bulshada.

2. Dawladdu [gaar ahaan Madaxweynaha] muhiim u ma arkaan in dadweynaha lala wadaago xogta ku saabsan go’aannada dawladeed. Keliya waxaa laga war-helaa fulinta (enforcement). Waana tallaabada ugu dambeysa oo wixii ka horreeyay ee muhiimka ahaa laga soo gudbay. Waxay taas keenaysaa in la isku fasaxo dadweynaha iyo ciddii xog siin karta— waana cid aan ahayn ciddii xogta runta ah heysay.

3. Madaxweynuhu [sida waaqaca laga arki karo] waxa uu aaminsan yahay in aysan qiimo lahayn in dadka war lagu qanciyo, marba haddii waxqabad lagu qanco uu ka shaqaynayo. Laakiin waxa uu laba jeerba u shaqaynayaa mucaarad aanan iyagu shaqeysan karin. Wuxuu u dhisayaa kaabayaal dawladeed oo ay berrito asaga ka dhaxlaan. Inta uu dhismahaas ku jirana waxa uu isla iyaga fursad lama-helaan ah u siinayaa in shaqadaa horumarka ah ee ay berrito ka dhaxli doonaan ay maanta isla isaga ku sii dacaayadeeyaan oo ku sumcad-dilaan; maadaama uusan [isagu] bulshada u sheegaynin waxa uu qabanayo.

Dabciga siyaasaddu waa legdan luggooyaysan. Waxa ay ku shaqaysaa qaaciddada dhahda: “Ha ka fekerin wanaagga, ee ka feejignaaw cawaaqibta”. Balse Madaxweynaheennu waxa uu ka fekerayaa wanaagga (Virtues), halka ay mucaaradkiisuna ku foogan yihiin inay wanaaggiisaas kala soo dhex baxaan cawaaqib (Consequences) asaga u daran, iyagana u dan ah!

Labada dhinacba waxaan leenahay Nasiib Wacan!

Mohamed Dhaaley