26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Xasan Sheekh oo tilmaamay siyaasiyiinta ku casuuman gogosha uu iclaamiyey

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo laga ambaqaadayo Gogosha Wadatashiga Qaran ee lagu dhawaaqay 15ka Juune, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah loo diray siyaasiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Siyaasiyiinta casuumadda rasmiga ah loo diray waxaa ka mid ah: Madaxweynayaashii hore, Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaashii hore, Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada, Ururrada siyaasadeed, Bulshada rayidka, Siyaasiyiin kale oo muhiim u ah gogosha uu Madaxweynaha ku baaqay ee 15-ka Juun.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaallo iyo kulammo gaar gaar ah, si ay gogosha 15-ka Juun u noqoto mid miro dhal ah oo saldhig u noqota isfaham, dib u heshiin, iyo horumar qaran.

Madaxweynaha ayaa kulankii ugu dambeeyey oo ahaa mid wadatashi ah maanta la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadeed ee isku diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulankii maanta ayaa oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhankooda, hoggaanka ururrada siyaasadeed ee maanta la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

- Advertisement -

Read more

Local News