Xiisadda Itoobiya: Qodobada weli ka khaldan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh

Arrinta Ethiopia iyo damaceeda badfa wax cusub ma aha, qofkii fahmi waayo Ethiopia dhibaatada ay Soomaaliya ku hayso waa doqon u baahan in uu fahmo taariikhda. Ethiopia waa cadow soo jireen ah oo aan marnaba rabin in Soomaaliya ay noqoto wadan xoog badan, maxaa yeelay dan uguma jirto Soomaaliya oo xoog leh, khatar ayay ku tahay.

Ethiopia iyo Soomaaliya dagaalo ayaa dhexmaray waana wax iska caadi in waddamada deriska ah ay xifaaltamaan. Ethiopia waxay ka faa’iidaysatay burburkeenii waxayna u kala qaybqaybisay gobol gobol. Ethiopia waxay joogtaa gobollada Soomaaliya oo dhan, oo dad hadda yimid ma aha wayna ku xididaysteen. Waa qorshe muddo fog (long term plan) in ay Soomaaliya kala dilaan ama ay qabsadaan. Ethiopia waxay joogaan Madaxtooyada Soomaaliya horteeda, Baydhaba Airport ayaaga xukuma, Waajid, Gedo, Doolow, iyo meelo kale oo badan. Hargaysa iyada iska dhaaf mar dhow Oromo ayaa la wareegi doonto. 

Soomaaliya waxaa hadda ka dhisan maamuul goboleedyo la soo shaqeayay maamuulkii hore oo wada danaystaal ah oo haddana daacad u ah maamuulkii hore, ilayn waan ogayn wixii ka dhacay Baydhabo iyo sidii uu ku yimid Laftagareen. Marka ma kula tahay in Laftagareen uu daacad u noqonaayo maamulka cusub. Laftagareen wuxuu rabaa in uu xukunka ku soo noqdo, wuxuuna magangelyo siyaasadeed waydiistay Ethiopia, isagoo ka faa’iidaysanaya Khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia. Sidoo kale Galmudug iyo Jubaland iwm. 

Dowladda cusub waxaa haboonayd in iyada dadkii taageersanaa u dhiibato maamul gobolyada ayna xukunka ka qaado, kuwii hore si uu u yaraado khilaafka maamul goboleedyada, laakiin waxay samaysay in maamul kasta ay hal sano ugu darto. (What goes around comes around).

Mida kale dowladda cusub waa in ay xoogga saartaa sidii ay u xalin lahayd khilaafka gudaha. Adigoo khilaaf gudaha ku haysto sideee u xalinee kii Ethiopia. Waa in hal meel laga soo wada jeestaa cadowga, oo aan meel iska dhignaa khilaafyadeena.

Arrinta kale ee cajiibka ah oo aan la yaabay ayaa waxay tahay, waxaan maqli jiray qabiil hebel ayaa qabiil kale sheegtay, haddii aniga la ii sheegto maxaa ku jaban oo aan ahayn faa’iido, ilayn dad yaa igu soo kordhay. Hadalkayga waxaan ula jeedaa SSC-Khatumo oo Soomalinimada ku wayn tahay oo calanka Soomaaliya u dhimanaayo iyo kuwa Soomaalinada diidan kee qaadan laheed, (Jawaabta waa mid cid). Dowladda waa in ay ciidan gaysaa Laascanood oo ay caawisaa dadka rabo Soomalinimada.

Dowladdu waa in ay joojisaa nimankan maamul goboleedyada ah marka ay gobol kale aadayaan in loo dhigo roog cas, sidii qof waddan kale tegay camal u dhaqmaayo. Red Carpet waxaa loo dhigaa Madaxwayne waddan kale nooga yimid, ee ma ahan Maamul goboleed ka yimid Jubaland oo aadaaya Baydhaba. Waana qalad qaabkaas protocol kana waa in si degdeg wax looga bedelaa. Maraykan waa federal waxay qabaan Governor mana loo dhigo Red Carpet markuu aadaayo State kale. Mida kale title-kooda waa in la beddelaa oo la dhahaa Governor not Madaxwayne. Soomaaliya hal Madaxwayne ayay leedahay. 

Dowlada waa in ay tallaabo degdeg ah ka qaadaa Somaliland, tusaaale, ninka ragda ah isaga ayaa masuul ka ah guriigiisa iyo qoyskiisa. Maalin dhowayd Ethiopia markii ay dagaalka ku qaaday gobolka Tigray, yaa la hadlay iyo Somaliland markii ay xasuuqaysay dadka Laascaanood ay dhahaysay Laascaanood waa qayb ka mid ah Somaliland, yaa la hadlay. Marka dowladda Soomaaliya wixii ka dhaca gudaha, iyada ayaa ka mas’uul ah ilayn Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya.

Waxaan soo jeedin lahaa in Dowladda Soomaaliya ay marka hore ka rarto safaaradda Ethiopia madaxtooyada agteeda, waa in Ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Baydhaba, Gedo, Doolow iyo meelaha kale ay joogaan. Ethiopian Airlines iyo Jaadka Ethiopia waa in si degdeg loo joojiyaa.

Maamul goboleedkii la xiriira Ethiopia, waa in si degdeg xukunka looga qaadaa.

W/Q: Abdiaziz Abdulle

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.