Xiisadda Puntland oo kasii dareysa iyo Xasan Abgaal oo dalab u direy caalamka

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Deni ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe waxa uu si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xasan Abgaal ayaa waxa uu sheegay in aan la isku hayn doorashada goleyaasha deegaanka, balse ay tahay waxa la isku hayo qorshaha madaxweyne Deni ku damacsan yahay muddo kororsi, xilli ay bilooyin ka harsan yihiin muddo xileedkiisa.

“Cid doorasho isku haysa majirto ee waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Saciid Deni ee muddo kororsiga, waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Dastuur furista ah,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in miiska wada-hadalka la keeno Saciid Deni, taasi oo ugu baaqay beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka Puntland, si xal masiiri ah looga gaaro labada qoddob ee la isku hayo.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland ayaa waxa kale oo uu nasiib darro ku timaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Saciid Deni ee dagaalka Laascaanood, kaasi oo uu ku sheegay inay difaacayaan Laascaanood oo in ka badan saddex bilood ay ku dagaalsan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

“Waa nasiib darro in nin siyaasi ah oo u jeeda in waxa uu wato uu wax ku gaaro in warar aan jirin uu sheego, madaxweyne Deni dagaalka Laascaanood waa la ogyahay meesha uu ka taagna oo wuxuu diiday dowladnimadii Puntland lagu dagaal galo, inuu ku faano dad shacab ah o qabaa’il ah uu ku faano waa nasiib darro.”

Xasan Abgaal ayaa waxa kale oo uu madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay dayaca ciidanka maamulka Puntland, kuwaasi oo muddooyinkii dambe mushaar la’aan u xirtay bara-kontarool oo ku yaalla Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, ayaa waxa uu tilmaamay mid ku saleysan dano shaqsiyadeed oo isku hayaan madaxdaasi, oo uusan aheyn khilaaf ku qotoma arrimo masiiri ah, xilli ay dhawaan hadallo kulul ay hawada isku mariyeen.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland ayaa kasii dareysa kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni uu dardar-galiyay damiciisa wax ka beddelka Dastuurka, kaasi oo ay meel-mariyeen Golihiisa Wasaaradda.

Si kastaba, Qorshaha Deni ayaa waxaa si adag uga horyimid mucaaradka maamulkaasi, oo ku tilmaamay mid uu ka leeyahay dano shaqsi ah iyo muddo kororsi uu rabo inuu kusii fadhiyo xilka u sareeya Puntland.