Xiisadda Somalia iyo Itoobiya oo mareysa meel xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa luuqadii ugu adkeyd kula hadlay dowladda Itoobiya, tan iyo markii ay 1-dii bishaan u soo bareertay qaadashada qeyb kamid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya waxay mareysa meel xasaasi ah. Urur-goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la iskugu yimaado shir deg deg ah oo looga hadlayo xaaladda soo korortay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, balse Itoobiya ayaa galabta shaacisay in shirkaas aysan ka qeyb geleyn.

Arrintaan waxay dadka yaqaana diblomaasiyadda ku tilmaameen in Itoobiya ay gashay go’doon siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed, maadaama ay maanta ka dhuumaneyso ururkii ay ugu tunka weyneed ee IGAD.

Dowladaha waaweyn ayaa weli sii wada inay Soomaaliya la saftaan. Shiinaha wuxuu sheegay in Somaliland tahay gobol kamid ah Soomaaliya, loona baahan yahay in la xurmeeyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Halka dowladda Sacuudiga ay sidoo kale si buuxda ula safatay dowladda Soomaaliya.

Illaa hadda ma jirto dowlad taageertay damaca Itoobiya ku dooneyso inay ku qabsato qeyb kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, balse waxaa jira kuwo weli ka aamusan arrintaan oo Soomaaliya ay kula hadashay luuqad xanaf leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii luuqad aad u adag kula hadlay dowladda Itoobiya, waxa uuna sheegay in Itoobiya ay tahay cadow Soomaaliya, isaga oo farriintiisi hore ee cadow waa hal oo argagixisada uu uga jeeday uu hadda ka dhigay cadow waa labo.

Madaxweyne Xasan waxa kale oo uu sheegay in Soomaalida ay awoodo inay is-difaacdo oo ay dhulkeeda ka ilaashadao cadowga, weligeedna ay fac-ka-fac Soomaalida ka adkaan jirtay Itoobiyaanka, haddana ay Soomaalidu awoodo inay dalkeeda ilaashato.

“Haddii maanta dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga. Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab, laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadda waa iska celinayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya bogii taariikhdii aan laabnay soddan iyo dhowrka sano kahor ay soo rogtay, Soomaaliyeey dhaqanka kasoo muuqda maanta waa ballaayo ee geeso la qabto ay leedahay ee geesaha aan ka qabano.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo waayahan la ma-suug-sanaa sida uu uga gaabsanayo mowduucan, ama uusan kalmadihii looga bartay ugu tuureyn Itoobiya ayaa shalay adeegsaday jumladihii ugu cuslaa oo Soomaaliya ay ka tiraahdo damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.

Xamza ayaa sheegay in Itoobiya aysan qaadan karin taako kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliya. Maadaama ay maalmahan jireen warar sheegaya in Itoobiya ay damacsan tahay inay ciidan usoo dirtay halkii uu Muuse Biixi u calaamadeeyay, ayaa ra’iisul wasaaraha wuxuu ku hanjabay in haddii Itoobiya ay isku daydo inay qaadato taako kamid ah dhulka Soomaaliya oo ay soo gasho iyadoo damacaas leh inay meyd xambaarsan doonto Itoobiya oo uusa qofna ka badbaado doonin.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu intaas ku daray in haddii Itoobiya dayn wayso Soomaaliya inay tusi doonaan wax ay ku deyso, “Taako Soomaaliya kamid ah ma qaadan karaan mana imaan karaan, haddii ay imaadaan ayagoo meyd xambaarsan ayay ka baxayaan.”