Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho oo la sheegay in maydkiisa lagu xad-gudbay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa todobaadkii hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan hore Marxuum Axmed Aadan oo ka tirsanaa baarlamaankii hore ee dalka, kaas oo isaga oo xaalad adag ku sugan loogu tegay qolkiisa, kadibna markii loola cararay isbitaalka ku geeriyooday halkaasi.

Warar kala duwan ayaa laga qoray sababaha keenay geerida marxuumka oo kasoo jeeday gobollada waqooyi, kuwaas oo baraha bulshada lagu baahiyay, isla markaana ahaa kuwa la sheegay inay xadgudub ku ahaayeen maydka xildhibaanka.

Senator Laylo Axmed oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa cambaareysay hadalladaas laga faafiyay geerida xildhibaanka oo ay sheegtay inuu si kadis ah ugu geeriyooday Muqdisho.

Wuxuu u dhintay si kadis ah meeshii uu deganaa ayaa loogu tegay isaga oo nafta ku jirto, markii dhaqtarka la geeyayna waa geeriyooday” ayay tiri Senator Laylo Axmed.

Sidoo kale waxa ay farriin u diray dadka faafinayaa warar ay sheegtay in loogu xadgubayo maydka marxuumka oo muddan ixtiraan, sida ay ina fareyso Diinteenna Islaamka.

“Ilaahey halooga cabsado qofka marka uu dhinto wuu dhintay, waana in aan la siyaasadeyn maydka qof dhintay iyo in aan laga been abuuran, Xildhibaankaas wa dhintay allaha u naxariisto dadka waxa xun ka qoraayo ee leh waxyaabaha ka qoraayo ilaahey ha uga cabsadaano” ayay mar kale tiri xildhibaanaddu.

Senator Layla ayaa sii raacusay “Waxaan rabaa bulshada Soomaaliyeed inaan u sheego qofka marka uu dhinto oo uu marxuum yahay wuxuu naga mudan yahay ixtiraam iyo xaqii marxuumnimo.”

Ayada oo ka hadleysay aqoonta ay u leedahay xildhibaanka geeriyooday ayaa waxa ay sheegtay inuu ahaa nin wanaagsan, waxayna tacsi u dirtay ehelladiisa.

“Ninkaas odeyga ah nin zaciim ah ayuu ahaa maalintii aynu halkan joognay wuu nala joogay qof weliba wuu dhimanayaaa Ilaahey ha u naxariisto” ayay kusii dartay.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday inuu socdo baaritaan guud oo ku aadan geerida marxuumka, ayna ka war sugayaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.