Xildhibaankii beddelay Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe maxaa kala qabsaday maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada hadal-heyn ka abuuray weerar afka ah oo labo xildhibaan ku dhex-martay muuqaal uu maanta baahiyey TV-ga Dalsan.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo laba maalin ka hor Dhuusamareeb ka soo qaatay kursigii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa maanta lagu dhaariyey kulankii golaha shacabka.

Dhaarintiisii kadib, Xildhibaan Ilyaas ayaa qabsaday Makarafoonka, wuxuuna doodiisa ka dhiibtay sharciga hey’adda NISA oo miiska saaraa, isagoo yiri, “Aan socod-siino sharciga NISA oo aan ansixino, cabsidana hala joojiyo.”

Muuqaalka Xildhibaanka oo lagu baahiyey pageka Facebook-ga ee Dalsan TV ayaa waxaa qeybta Commentiga aragtidiisa uga dhiibtay Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe oo yiri, “Qof maanta dhashay oo isla maanta hadlaya ii kow.”

Intaas kadib waxaa reply u soo galay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed wuxuuna ugu jawaabay “Abdullahi Mohamed Ali, Qof Muwaadin Somaaliyeed dal shisheeye u gacangaliyay oo hadana Golahii ummadaan matalayay xubin ka ah ii koow!”

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa la xasuustaa in hey’adda NISA uu Agaasime ka ahaa markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikariin Muuse Qalbidhagax oo ka mid ahaa halgamayaashii ONLF.

Intaas kadib Dalsan TV ayaa ka soo fal-celisay hadal-heynta ka dhalatay jawaabaha ay qeybta commentiga ee Facebook-gooda isku dhaafsadeen labada xildhibaan iyo boqolaal qof oo kale, waxayna dheheen “Ka Dalsan ahaan waxaan ku faraxsanahay in aan nahay madal si kasta ula falgalaysa aragti-wadaagga umadda Soomaaliyeed.”

In xildhibaanadu is dhaafsadaan hadallo kulul oo dood dhaliya ma cusba, laakiin waxaa arrintaas xiisa u yeelay in maanta uu golaha ku cusbaa oo halkii lagu dhaariyey uu aragtidiisa ku dhiibtay xildhibaanka uu weeraray Sanbaloolshe.