70 xildhibaano oo ka baxay gacanta Villada iyo arrinta dastuurka oo weji kale yeelatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeyla-dhaantii ugu badneyd ayuu la kulmay qorshaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee dhameystirka dastuurka.

Gudaha baarlamaanka iyo banaankaba qeylada diidmada waxay aheyd mid aan lala kulmin intii lagu jiray doodda saddexdii cutub ee hore.

Si u muuqatay inay soo hormartay Xildhibaannada qaar ayaa ku dhawaaqay in lagu laabto teendhadii Afisyoone, taasi oo ka dhigan inay diidan yihiin qorshaha Madaxtooyada ee doorasho dadweyne.

Inkasta oo aanay u badneyn inay xilligaan dalka ka dhici karaan doorashooyin dadweyne oo heer federaal ah marka la eego amniga, dhaqaalaha, maqnaashaha maxkamaddii dastuuriga aheyd iyo kalsooni darrada dhex taalla bulshada, haddana in Xildhibaannada qaar soo hormariyaan ku noqoshada teendhadii Afisyoone lama fileyn.

Waxaa magaalada Muqdisho ku shiray in ka badan 70 Xildhibaan oo labada Aqal ah, waxayna si toos ah uga soo horjeesteen qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriira dastuurka.

Wejiyada la arkay ee diidmada hoggaaminayay waxaa kamid ah labada xubnood ee ugu da’da weyn labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waana Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad iyo Senator Gaagaab.

Waxaa jira qaar Xildhibaannada kamid ah oo bil walba gunno mushaarkooda ka dheeri ah ka hela Villa Soomaaliya, waxaana muuqata inay qaarkood hadda baxsadeen, taasi oo dhinaca kale ku dareensiinaysa ahmiyadda mowduuca.

Xitaa xubno kamid ah xisbiga madaxweynaha ee UPD ayaa diidan qaar kamid ah qodobada, sida qodobka sheegaya in dalka uu yeesho laba xisbi.

Cutubka 4-aad ee dastuurka waa mushaakil weyn, waxaa ku jira in dalka uu yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, oo la tirti kursiga ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo ku jira in dalka uu yeesho laba xisbi, inay doorashada noqoto mid dadweyne iyo in la dhiso hal guddi doorasho oo maamula labada heer doorasho ee dalka.

Qodobadan waa kuwa ugu muhiimsan ee qofka siyaasiga ah la rabo in aan laga hoos bixin maanta. Ma sahlana in madaxweynaha fadhiya ay hal mar 70 Xildhibaan ka baxsadaan oo iyagoo ka aragti duwan ay magaalada dhinaca kale shir uga qabsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga libin keeno howshiisa dastuurka waxaa la sheegaya inuu hadda bilaabay in uu kala fur-furo Xildhibaannadan isku xiran ee diidmada kala horyimid jihada ay Madaxtooyada u wado shaqada dastuurka.

Inkasta oo kooxda madaxweynaha qaar ay kalsooni ka muujinayaan inay shaqada ku dhamaan doonto sida ay u qorsheeyen, haddana fallanqeeyayaasha qaar waxay aaminsan yihiin in haddii ay doodda hagaajistaan 70 Xildhibaan inay dad cusub heli karaan, sidoo kalena ay dhinaca kale dagaal siyaasadeed oo guddoonka ka dhan ah bilaabi karaan, si Sheekh Aadan Madoobe loogu qasbo inuu isagu is furto halkii uu dastuurka ka hadli lahaa.

Dhalinyaro badan ayaa ku jirta 70-kaan Xildhibaan ee ka hor timid qorshaha Villa Soomaaliya, waxaase dhinaca kale jira walaac ku saabsan in haddii ay markale Madaxtooyada akoonnada furto, ballan-qaadyo cusubna sameyso inay wax iska beddeli karaan qorshaha Xildhibaannadan qaar.