Xiriirka SOOMAALIYA iyo Turkiga oo labakacleeyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadii July 3, 2022, booqasho laba maalmood ah ugu ambabbaxay dalka Turkiga, toddobaadyo uun ka dib markii uu ka soo laabtay Imaaraadka. Dadweynaha Soomaalidu waxay u arkaan Turkiga inuu yahay saaxiib dhab ah oo dadaalkiisa hufan mudan yahay ku dayasho caalam.

Balse, dadka saluugsan in martiqaadkii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah laga siiyay mudnaanta kii Maxamed Bin Zayid Al Nahyan oo ka dambeeyay ayaa ku dhaliilaya madaxtooyada inay u baahnayd ka fiirsasho taxaddir leh.

Qalafsanaaanta diblomaasiyadda khaliijka waxaa muujinaya in isku soo dhawaanshihii Imaaraadka oo ahmiyadiisu ahayd amniga iyo xasilloonida siyaasadda dalka lana jaanqaadayey isbeddelka ka socda gobolka, uu si uun dhiillo u geliay Dooxa.

Warbaahinta dalka oo soo xiganayso ilo ku dhaw Xasan Sheekh ayaa leh madaxweynuhu wuu dareensan yahay arrinka waana ku talajiraa in xiriirka Qadar uusan dayacmin oo uu xitaa diyaar u yahay inuu Turkiga la kaashado.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay Turkiga iyo Qadarba la lahayd xiriir leexleexad lahayn oo dhinacyo badan leh (difaaca, maalgashiga, ganacsiga, gargaarka bini’aadannimo, waxbarshada, caafimaadka iyo diblomaasiyadda). Booqashada ayaa la filayaa in dib loogu eegay arrimaha aan isku aragtida laga ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dood cilmiyeed uu soo qabaqaabiyay machadka SETA ayaa sheegay in rubac qarnigii la soo dhaafay dhammaan caalamka uu taageerayay Soomaaliya balse, taageerada Turkiga ay ahayd “mid gaar ah oo ka duwan.” 

Waxaase astaan wanaagsan ah goolka diblomaasiyadeed ee uu Xasan Sheekh ka dhaliyay Uhuru Kenyatta, kaddib markii uu ka baaqday shirka IGAD. Nairobi waxay malaynaysay in si gooni ah ay u xallin doonto arrinta qaadka. Fartiinta Xasan Sheekh ayaa musharrixiinta madaxtinimada Kenya ku qasbaysa inay la yimaadan hindise macquul ah oo ay kula dhaqmaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Soomaaliya iyo Turkiga waxay ka baaraandegayaan sidii loo dhiirriggelin lahaa maalgashiga lagama maarmaanka u ah sahminta shidaalka badda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Waxaase su’aallo dhaliyay isku soo beegmida booqashada Ra’iisulwasaaraha Talyaniga Mario Draghi ee Turkiya iyo dheeraynta mudda joogista Xasan Sheekh.

Waxaan qarsooneen in shirkadda Eni Energy oo sahminta dhulbadeedka Soomaaliya shati uga qaadatay Kenya dhegna u jalaqsiin baaqii joojinta ka hawlgalka aaga ay danaynayso Soomaaliya. Inkastoo wajigabaxaas uu jiro, haddana ma aha markii ugu horreysay oo Ankara, Roma, Dooxa iyo Muqdisho uu dhexmaro wada shaqeyn. 

Soomaaliya waxay haatan u baahan tahay maalgashiga caalamka oo dhan. Xasan Sheekh waa madaxweynihii xiriirkii Soomaaliya iyo Turkiga oo ku koobnaa gargaarka bini’aadantinimo u rogay mid ganacsi iyo maalgashi, kuna dhiirriggeliyay xilli adag shirkadaha Turkiga inay maalgashtaan dekedda Xamar iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shaki kuma jiro in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu cagta saari doono waddo cad mustaqbalka fog, haddii isku kalsoonida lagu kabo wax wada qabsi saami wadaag ah.

Isha: Jamhuuriyadda