Xiriirka xooggan ee Turkey iyo Itoobiya ka dhaxeeya iyo difaaca badda Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa sanadihii dambe si weyn u xoogeystay xiriirka Turkiga iyo Itoobiya, taas oo keentay in Turkiga noqdo maalgashadaha shisheeye ee ugu weyn gudaha Itoobiya.  

Waxaa dalka Itoobiya ka hawlgasha wax ka badan 200 shirkadood oo Turki ah, hantida dalkaas lagu maalgaliyayna waxa ay hadda kor u dhaaftay $2.5 bilyan dollar.  

Tan waxa ay shirkadaha Turkida ka dhigtay in ay noqdaan kuwa shaqo siiya dadka ugu badan dalkaas oo shaqo ka hela ganacsi ajnabi leeyahay.  

Sida uu Turkiga ugu balaartay Itoobiya waxa uu xitaa ka fikirayaa in uu qunsuliyad ka furto magaalada Harar oo ay degenyihiin dad asal ahaan kasoo jeeda Turkida, waxaase cajiib ah in qorshaha uu ka mid yahay in qunsuliyadaas ay u adeegto deegaanka Soomaalida illaa iyo Hargeysa.

Sanadkii 2021, Turkiga Iyo Itoobiya waxa ay saxiixdeen heshiiska Ganacsiga, Biyaha iyo Militariga kadib booqasho uu Ra’isul Wasaare Abiy ku tagay Turkiga.  

Arirmahan ayaa imanaya ayada oo 8-dii Febraayo ay Soomaaliya iyo Turkiga saxiixdeen heshiis difaac oo dhanka badda ah. Heshiiska waxaa qeyb ka ah in Akara ay badda Soomaaliya ka difaacdo dhinacyada dibadeed ee halista ku ah madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Tan iyo intii uu dhacay heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya, Turkiga waxa uu aad isugu dayay in uu Itoobiya u muujiyo in uusan iyaga duulaan ku ahayn, waxaana warbaahinta Turkiga si joogto ah ugu soo baxayay maqaalaad hoos loogu dhigayo cabsida ay Itoobiya qabto.

Balse heshiiska illaalinta badda waxa uu ku guuleystay in uu ugu yaraan hakiyo dardartii iyo qamaamkii Itoobiya ee ay ku rabtay in ay kusoo gasho gudaha Soomaaliya.