Xog cusub oo ku saabsan dhulka ay DF siisay Shiinaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay dhul siisay Shiinaha, kaas oo loogu talagalay safaaradda uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Dhulkan ayaa waxaa safaaradda ku wareejisay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo la kulantay sii haya safiirka Shiinaha, Chen Wendi.

Fardowsa ayaa sheegtay in dhulkan la siiyay safaaradda iyadoo la eegayo xiriirka taariikheed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo iyadoo la bogaadinayo taageerada horumar iyo bani’aadannimo ee Shiinuhu u fidiyo Soomaaliya.

Haddaba waa dhul noocee ah?

Maareeyaha Haya’dda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in dhulkan cusun ee safaaradda loo qoondeeyay uu yahay dhul hore ay u degganeyd Qaramada Midoobay, isla markaana uusan ahayn mid cusub oo haatan loo qoondeynayo.

Axmed ayaa sheegay in dhammaanba dhulalka ay safaaraduhu ka deggan yihiin aagga garoonka ay yihiin kuwo ku meel gaar ah ee aysan weligood degganaaneyn.

Sababo dhanka amniga ah dartood, waxaa agagaarka garoonka Aadan Cadde deggan hay’ado badan oo caalami ah.

Waxaa jira walaac laga qabo in ciriiri uu ku imaan karo garoonka, maaddaama safaarado iyo hay’ado badan ay halkaasi deggan yihiin, haddii dhulal cusub laga bixiyana ay taasi ciriiri dheeraad ah keeni doonto.

Faahfaahin badan lagama bixin ballaca dhulka, balse maareeye Axmed ayaa yiri, “Dhulkan maaha mid cusub hore ayaa loo degganaa, waa laga guuri doonaa laakiin hadda wax ciriiri ah ma jiraan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay dhulkan siisay safaaradda Shiinaha, wareejintana ay sameysay wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka, maaddaama ay uu hoos yimaado maamulka garoonka.

Wasiir Fardowsa oo shir jaraa’id qabatay kadib xil wareejinta dhulka, ayaa tiri “Waxaan rabnaa dhul ku dheggan safaaradda Shiinaha eek u dhex taalla garoonka Aadan Cadde oo dowladda Soomaaliya siisay inay ku durugsato xafiisyadeeda inaynu maanta si rasmi ah ugu wareejinno,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in dhulkan oo ay in muddo ah degganeyd safaaradda uu ciriiri ku ahaa, sidaa darteedna ay dooneyso in safaaraddu ku ballaariso howlaheeda.