Xog cusub: Sidee u dhacay dilka dhaqtarkii iyo macallinkii lagu hor dilay hooyadood?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa habeen hore tuulada Ilix oo 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowladda gobaleedka Galmudug lagu dilay laba wiil oo walaalo ah kuwaas oo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehelada wiilasha ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Dr Axmed Xasan Cismaan oo in muddo ah deeganka ka maqnaa uu dhawaan yimid si u soo arko hooyadii oo xanuunsanayd iyo in uu xarun caafimaad uu ka hirgaliyo magaaladda Gurceel.

“Walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis quraanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Farxaan

Waxaa uu sheegay in aysan garanayn cida dishay wiilashooda, balse ay jiraan aanooyin qabiil oo mararka qaar ka dhac deeganka.

“Odayaasha dhaqanka, laamaha ammaanka iyo maamulka waxaay noo sheegeen in ay ku dabjoogaan dadka dilka gaystay. Ma jirto cid ilaa iyo hadda aan ognahay oo dilka gaystay, hadii wiilashu ay cabsi qabaan halkas ma imaan lahyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa mudooyinkii danbe kusoo noqnoqday deegano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dr Axmed Xasan iyo macalin Liibaan Xasan ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay – 30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno hooyada dhashay labada wiil, balse waxaa naloo sheegay inay ku jirto xaalad murugo oo aad u daran.

Markii dilku dhacayay ayay ku sugnaayeen labada wiil guriga hooyadood, iyada oo hooyadu goobjoog ka noqotay falka naxdinta leh ee farxadii ay wadaageysay wiilasheeda u badalay tacsida xanuunka badan.

Macallin Liibaan Xasan wuxuu ifka uga tagay xaas iyo caruur, halja naloo sheegay in Dr Axmed uusan wali guursan, sida uu yiri Farxaan Cabdullahi Cali oo ay ilmo adeer yihiin.

Maamulka deegamnka muxuu ka yir dhacdadaan?

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa falka ku tilmamay mid foolxun.

Waxaa uu sheehgay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen balse ciidanka amaanku wali daba joogaan .

“Dad wareersan oo aan ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigin balse ciidanka ammaanka ay ku dabajoogaan ayaa raggaas laayay,” ayuu yiri gudoomiye Geeda-qaoroow.

Dilka labadaan wiil ee walaalo ah ayuu gudoomiayahu sheegay in uu aaminsan yahay in uu yahay mid ku salaysan aano qabiil.

“Meel baadiye ah ayaa ciidanka ammaanku wali ku daba joogaan raadka ragga falka gaystay. Waana la qaban doonaa hadii alle idmo. Markaas ayay cadaan doonta sababt ay dilka u gaysteen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Geeda-qoroow.

Kooxadda Al shabab ayuu sidoo kale sheegay in tuhunsanayahay in ay lug ku leeyihiin dilalka ka dhac gobolka .

“Raggii dilka gaystay deegaanada al-Shabab ay gacanta ku hayaan ayay aadeen. Marka waxaan aaminsanahay in ay lacago ku bixinyaan oo ay dilka qeyb ka yihiin “ ayuu tuhunka uu qabo ku daray Gudoomiye Geeda-qoroow.

Walaaca Bulshada ee deegaanka

Dilalka ka dhacay gobolka Galgaduud waxaa walaac ka muujiyay bulshada ku dhaqan deegaanka.

Cadceed Sheekhdoon Diiriye oo ka mid ah odayaash dhaqanka Galmudug ayaa kamid ah dadka ka walwalsan dilalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolkaan.

“Waa in dib u heshiisiin la sameeya oo dadka walalaaha ay dilka joojiyan. Wixii dhacay waxa ay ahayd wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Cadceed.

Sidoo kale Safiyo Shire Faarax oo ka mid dadka ku nool magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegtay in ay dareemeyso cabsi badanoo si shaqsi ah ula soo daristay.

“Waxaan ogahay qiimaha ay nabad leedahay, waxaan ka xumay dadka is dilay ee walaalaha ah ee maalin kast dhibku dhax yaal. Waxaa hadda na haysta cabsi badan,” ayay tiri Safiyo Shire Faarax.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil. Horay waxaa dil loogu fuliyay nin dhallinyaro ah oo maxkamadi ku heshay inuu nin ganacsade ahaa ku dilay degmada Guriceel.

Isha: BBC