Xog: Go’aano xasaasi ah oo lagu gaaray shirka golaha wadatashiga iyo Xasan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa Arbacadii lagu wareystay shirka, Axmed Madoobe ayaa sabab u ahaa in loo ogolaado inuu shirka tago oo madaxda warbixin siiyo. Kadibna waxaa loo gudbay in laga hadlayo in arrimaha guddiga doorashooyinka qaranka dib loo dhigo oo laga fikiro muddo kororsi aamusan.

Maalinkii 1-aad: Waxa uu shirka xooga saaray la-dagaalanka argagixisada iyo dhameystirka iyo dhameystirka dastuurka uu muranka badan ka taagan yahay.

Maalinkii 2-aad: Wareysiga Firdhiye iyo arrimaha guddiga doorashooyinka ayuu xooga saaray golaha.

Maalinta 3-aad: Waxaa madaxda maamullada loo jeediyay sharaxaad ay Madaxtooyada soo diyaaarisay oo la xiriirta dagaalka, tirada ciidanka, qorshaha iyo nooca hubka. Waxaana goluhu warbixin ka dhageystay wasiirka gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ku harqiyay mowduuca la-dagaalanka argagixisada, iyada oo madaxda maamullada fursadooda laga dhex tusay dagaalka kadib.

Inkasta oo madaxda maamullada ku jahwareersan yihiin waxa ay muddo xileed la’aan ku kabi karaan qorshaha Xasan Sheekh ee la-dagaalanka argagixisada, haddana si uu Xasan Sheekh guul u arko ayaa la iskugu soo dhaweeyay arrimaha dagaalka.

Saddexdii maalmood ee uu shirkan socday, madaxweynaha ayaa aad iskaga ilaalinayay inuu bixiyo fursad toos ah oo muddo kororsi ah oo lagu qori karo war-murtiyeedka..

Shalay qaar madaxda maamullada kamid ah ayaa la wariyay inay dalbadeen in doorasho qabsadaan, Xasan Sheekhna waxaa la sheegay inuu ku jawaabay inuu ogol yahay doorasho qof iyo cod ah oo keliya oo haddii ay qaban karaana uu diyaar u yahay inuu wax walba ku kabo. Wax walba oo ay ugu kacdo madaxweyne Xasan ma ogola doorasho dad-ban.

Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay Xasan Sheekh waxaa laga dhadhansaday inuu rabo in aan hadda la cadeynin xilliga ay dhacayaan doorashooyinka maamullada, wuxuuna bedelkeeda ka hadlayaa haddii la qaban karo doorashooyinka dowladaha hoose, taas oo uu madaxweyne Xasan u arko inay soo afjari karto mashruuca doorashada dadban.

In madaxda maamullada la yiraahdo aan dagaalka aadno, markii aan meel fiican ka gaarno aan iskugu imaano arrimaha doorashooyinka, ka horna anigu far ma saarayo guddiga doorashooyinka, saasna aan isku aamino ayuu Xasan Sheekh leeyahay ayaa laga soo wariyay mid kamid ah madaxda maamullada.

Haddey taasi dhacdo nuxurkeedu waa muddo kororsi aamusan oo aan warqad ku qorneyn, laakiin ragga hadda kuraasta ku fadhiya ayaa iska sii joogaya, waxaana la eegaya halka uu dagaalka gaaro iyo waqtiga uu qaadan karo.

Arrintan nuxurkeedu keliya ma ahan muddo kororsi qarsoon ee waa in sidoo kale uu madaxweyne Xasan Sheekh usii dhawaanayo inuu rabitaankiisa dabaqo

Haddii aanay maanta madaxda maamullada dib usoo kaban oo aanay qorshe cusub la imaanin wax badan oo cad cad kama soo baxayaan kulankan. Xasan waxa uu iibsanaya waqtiga, maamullada qaarna waxaa laga yaaba inay tareenkiisa ka boodan markii ay deegaanadooda ku laabtan.