Xog: Golaha Wasiirada xil-gaarsiinta oo si qarsoodi ah u ansixiyey heshiis lala galay dowladda Itoobiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo dhawaan Golaha Wasiirada Xukuumaddii Kalsoonida lagala noqday ay ansixiyeen sharciyo iyo heshiisyo caalami ah isla markaasna aan lasoo marin Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay Shabakadda Caasimada Online heshay nuqul kamid ah heshiisyadii  caalamiga ahaa ee la ansixiyey.

Heshiisyada la saxiixay oo ay Caasimada Online ogaatay ayaa waxaa kamid ah heshiiska dhaqaalaha Itoobiya iyo Soomaaliya kaasoo loo ansixiyey qaab loo arkay sharci darro, islamarkaana laga qariyey shacabka iyo warbaahinta.

Heshiiska la meel mariyey ee dhaqaalaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo lagu tilmaamay inuu yahay mid la mid ah heshiiskii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaana loo dhigay inuu yahay is-afgarad ama is-faham (Memorandum of Understanding MOU) taasoo keentay shaki weyn.

Heshiiskaan ku dhisan is-fahamka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la sheegay inuu yahay mid aan fulintiisa waajib ku aheyn labada Dowladood balse uu yahay isfaham ay labada dhinac gaareen, sidaas lagu heshiiyey in lagu hirgeliyo.

Qodobada ay isku fahmeen Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku jiro is-fahamkaan ayaa waxaa kamid ah inay labada dhinac iska kaashadaan:

  • Iskaashiga dhinac ganacsiga
  • Is dhaafsiga khibradaha iyo farsamooyinka.
  • Taageerada shirkadaha waaweyn ee mashaariicda

Heshiiska ay meel marisay Xukuumadda lagu muransan yahay awooda ay u leedahay inay sharciyo ansixiso ayaa waxaa lagu xoojiyey lifaaqyo kasoo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta & Maalgashiga oo qeexayo nooca uu yahay heshiiskaan iyo habka loo fulinayo, waxayna waraaqahaas soo baxeen Bishii March ee sanadkaan.

Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in is-fahamka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ansixisay Xukuumadda inuu daba socdo heshiiskii ay horey  Muqdisho ugu saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Abiy Ahmed.

Is-afgaradka laba dhinac ayaa ugu dambeyn lagu xusay in lagu joojin karo ogeysiis qoraal ah oo hal bil ah oo ka imaado labada dowladood midkood taasoo ay aqbali doonaan labada dhinac.

Heshiiska ay horey u kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa waxaa dalka Itoobiya loogu ogolaaday inay maalgashi ku sameysato 4 Dekadood oo ku yaalo Soomaaliya kuwaas oo aan si rasmi ah loo ogeyn kuwa ay yihiin isla markaasna aan weli la hor geyn  Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada.

Heshiiskaan ku dhisan is fahamka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay Xukuumadda meel marisay ayaa kusoo aadayo xilli ay weli taagan tahay dooda iyo sharci ahaanshiyaha is-afgarad ku saabsan muranka Badda oo ay horey u kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya taasoo markii dambe keentay in dacwad laga furo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso is fahamkaas ay Xukuumadda meel marisay oo ku qoran luuqadda Ingiriiska

Cooperation Areas.

The implementation of these common activities will be defined based on a work program that parties intends to act on in good faith.

Parties intend to Collaborate in the following areas;

– Promotion of productive and commercial cooperation;

– Support of enterprises in implementing common projects;

– Transfer of know-how and technical expertise.

General Activities by Area

…….. will provide ……. enterprises with information about the opportunities offered by the Ethiopian economic system to foreign economic operators.

The parties will promote cooperation between Ethiopian and Somali enterprises, by helping them search productive partners. However, SOMINVEST shall not be responsible if its efforts dont meet ………….s inquiries.

Joint projects will be encouraged and supported by actions and tools that will be identified in consideration with the specific features and objectives of initiatives.

The Parties will foster the exchange of information among enterprises on technologies and know-how, and industrial consultancy.

Neither Party may assign its rights, title, benefits, interests, obligations, and liabilities in this MOU to any third party without the prior written approval of the other Party.

The Parties intend to promote the above-mentioned actions, by involving local institutions, and to implement projects concerning this MOU.

All cooperative activities under this MOU will be carried out subject to the availability of funds of both Parties and in accordance with the laws and regulations of their respective countries.

Whereas this MOU shall not constitute a binding agreement, any difference which may arise from its interpretation or application shall be resolved jointly among the Parties.

Neither Party shall make any public announcement regarding the detailed terms of this MOU without the prior written consent of the other Party.

This MOU may be terminated with a one month written notice given to either party and consented by mutual agreement.