Xog: Kaalinta Imaaraadka Carabta ee qorshaha laga damacsan yahay ciidanka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn u soo ifbaxay kaalinta dowladda Imaaraadka Carabta ee qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku kordhineyso ciidanka kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tababar dalka Uganda ugu soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahad-celiyay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ayadu bixisay kharashka ku baxay tababarka ciidankaas, waxayna arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada.

Xasan ayaa sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

“Waxaan rabaa in halkan uga mahad-celinaya walaalaha Jamhuuriyada Carabta ee midowday ee Imaaraat, oo iyaguna qeyb ka qaatay in maanta meeshaan soo istaagtay oo diyaar la ah in garab istaag noocaas ah ay Soomaaliya ku garab istaagaan, waa wax weyn oo dalal badan oo caalamka jooga aysan noo qaban,” ayuu yiri.

“Imaaraadka Carabta iyo madaxweynahooda waxaa leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiino. Haddii caalamka sidan noo garab istaagay oo dhinac walba nalooga yimid oo tababar iyo qalab nala siiyay kadib hadda gadaal usoo jeesano waxaa ku tilmaameynana dad aan macno laheyn oo aan jirin, mana ihin waan hubaa 100%, waxaa nahay dad dadnimo, dal iyo Diin leh waa iska kicinayna cadawga.”

Heshiiska iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka 

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga.

“Marka la helo tababar sax ah, Soomaaliya waxay yeelan doontaa awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amni ee ka soo baxaya gudaha iyo dibadda dhulkeeda.”

Marxaladaha uu soo maray heshiiska labada dhinac

Golaha Wasiirrada ayaa markii ugu horeysay la horgeeyay heshiiskan, ayada oo dood dheer kadib dib loogu celiyay wasaaradda gaashaandhiga, wuxuuna golaha ku ansixiyay kulankii labaad ee lagu soo celiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiiska ayaa markii uu soo shaac baxay waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos-geeyey Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada aad u wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.

Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xilligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u hagaajisay xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.