Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa caawa isugu tegay oo ku kulansan guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheskh Axmed, iyagoo ka wadahadlaya go’aankooda gogosha uu maanta iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku iclaamiyey in 15-ka bishan Juune ay Muqdisho ka furmeyso gogoshii uu u fidiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo hoggaamiyaasha ururrada bulshada rayidka ah.
Ilo xog ogaal ah oo kulanka jooga ayaa Caasimada Online u sheegay in mucaaradku diidan yihiin qaabka Villa Somalia ay dooneyso inay u qabato gogoshaas, iyagoo dalbanaya qaabka ay rabaan in loo dhigo gogosha.
Waxaa lagu wadaa Mucaaradku ay saacadaha soo socda warbaahinta la hadlaan, isla markaana ay shaaciyaan go’aankooda ku aaddan ka qeyb galka gogosha uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
Villa Somalia oo u muuqata mid dooneysa inay hoos u dhigto culeyska bayaanka mucaaradka oo si weyn loogu weeraray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ku dhowaaqday shirweyne wadatashi, kaas oo uu muddo ka cago jiidayay madaxweynaha.
“Waxaa laga codsanayaa siyaasinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaar garoobaan kaalina mug lehna ka gaystaan shirkaan muhiimka u ah dowladnimadeena ayna soo ajiibaan casuumadda rasmiga ah ee Madaxweynaha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.
Sidoo kale Madaxtooyada ayaa shaacisay in arrimaha farsamada ee gogoshaas iyo wixii faahfaahin dheeri ah lagala xiriirayo guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saartay fududaynta gogosha iyo shirarka ka horeeyaba.