Xog: Muxuu yahay qorshaha socdaalka uu Kheyre ku tagey Ethiopia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalad Muqdisho ka sagootiyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo tirro Xildhibaano ah.

R’isul wasaare Kheyre ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Mid kamida Xildhibaanada wehlinaaya Ra’isul wasaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in labada mas’uul ay kawada hadli doonaan qodobo ay kamid yihiin heshiiska dekedda Berbera oo ay Ethiopia qeyb ka tahay, xiriirka Ethiopia ay la leedahay maamul goboledyada Soomaaliya, oo dowladda aysan raali ka ahayn iyo ciidamada Ethiopia ka joog Somalia. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka.

Socdaalkan ayaa imanaya ayada oo maanta ay Caasimada Online ay shaacisay in agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasin uu toddobaadkan socdaal ku tagey dalka Ethiopia.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka walaacsan tallabooyinka ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, ee ku aaddan siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay u aragto mid aan habbooneyn xiriirka uu Abiy Ahmed la sameynayo qaaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, inkasta oo uu hoey u ballan-qaaday inuu dalka ku ixtiraamayo dowladda federaalka.

Abiy Ahmed ayaa dhowaan dalkiisa kula kulmay Axmed Madoobe, oo madax ka ah maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, islamarkaana qorsheeyey kulamo kale oo uu la yeesho madax kale oo ka mid ah kuwa maamul goboleedyada.

Sida warku sheegayo, Fahad ayaa ka codsaday mas’uuliyiointa dalkaas inay ixtiraamaan madax banaanida dalka.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu kala hadlay socdaal uu Abiy Ahmed dhowaan ku tagey dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo Soomaaliya aysan isku wanaagsaneyn. Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka isku dayaya inay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com