Xog: Xeeladda cusub ee Al-Shabaab ay u adeegsatay weerarkii Hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarka hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho waxaa isa soo tarayay xogaha kasoo baxaya ee la xiriira sida uu kooxda ugu suurta-galay weerarka.

Weerarkan oo fajiciso noqday ayaa waxa uu ka dhacay xayndaabka Madaxtooyada Qaranka oo ah meel aad loo ilaaliyo ammaankeeda, waxaana soo baxeysa in kooxda Al-Shabaab ay weerarkan u adeegsatay xeelad cusub.

Maleeshiyaadkii fuliyay weerarkii SYL ayaa koontoroollada adag ee laga ilaaliyo Madaxtooyada uga gudbay kaarar aqoonsi, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo amni oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.

“Ragga gaadiidka lagu fuliyay weerarka (hoteelka SYL) gudbiyay waxay isticmaalayeen kaararka mid kamid ah saddex xafiis ee ugu sarreysa dalka,” ayey yiraahdeen illo wareedyada amni ee la hadlay Caasimada Online.

Markii ugu dambeysay ee gaadiid qaraxyo sida ka gudbaan kontoroollada caasimada waxay aheyd dhamaadkii bishii November 2022, xilligaasi oo la weeraray Villa Reys, markaas oo ninkii loo haystay inuu gudbiyay gaariga oo ahaa darawalkii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu u baxsaday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Hal sano iyo saddex billood ayay laamaha amniga ee dowladda ku guuleysteen in uusan Muqdisho ka dhicin qarax gaari, inkasta oo dhowr jeer argagixisada adeegsatay dad caadi ah oo ay qaraxyo kusoo xireen.

Waa hab cusub inay argagixisada billowday in gaadiidka caadi usoo raacan oo ay boorsooyin ama baco kusoo qaatan qaraxyada, waxaana laamaha amniga halkaan ka fahmayaan inay hadda kadib baaran boorsooyinka iyo bacaha saaran gaadiidka raaxada iyo in la eego waxyaabaha ku qarsan kuraasta hoostooda. Sidoo kale in dadka la baara ayaa muhiim noqon doonta.

Khasaaraha weerarkii hoteelka SYL ayaa aad u yaraa, waxaana laamaha amniga ku sababeeyeen in kooxda weerarka qaaday ee gudaha u galay hoteelka oo markiiba meel hoose ku go’doomay iyo qaraxyada oo aan laheyn miisaan weyn maadaama alaabtu aheyd waxyar oo gaariga dhex yaalay.

Sidoo kale dadka ayaa baddi deg deg uga baxay hoteelka, maadaama ay kooxda go’doontay oo ay la dagaalamayeen ciidanka dowladda ee isla markiiba tegay goobta.

Dadka dhaawacmay ayaa u badan kuwo darbiyada ka booday oo ay lugaha wax kasoo gaareen. Durba waxaa xabsiga la dhigay ku dhowaad toban ruux oo siyaabo kala duwan ugu lug leh su’aallo weydiinta weerarkan, waxaana ku jira xubnihii habeenkaas ku qornaa baraha kontorool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada, gaar ahaan midda Sayidka.

Sidoo kale waxaa la xiray dadkii soo dejiyay gaadiidkii lagu fuliyay howsha, kuwii laga sii iibiyay, Nootaayaddii u kala wareejisay iyo dad kale oo laga shakisan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii lasoo afjaray weerarka daawaday muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka, waxaana uu madaxweynaha faray madaxda laamaha amniga inay baarista dadajiyaan kadibna dadweynaha lala wadaago dhacdada, horeyna laga gudo galo maxkamadeynta.

Dhamaan saddexda kontorool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ayaa waxaa jooga oo masuul ka ah ciidanka milateriga, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Koofi Casta ee qaabilsan amniga Madaxtooyada Qaranka.