Xogta xatooyada ka socota dalka ee sababtay in Midowga Yurub uu hakiyo dhaqaalihii

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan dadka waxay maqlaan madaxda degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwa maamul-goboleedyada, ciidanka deegaanka iyo horjoogayaasha kaamamka oo isku haysta kaararka gargaarka ee la siiyo dadka kusoo barakacay kaamamka ku yaalla guud ahaan gobollada dalka.

Dad ka badan hal milyan ayaa ku jira kaamamka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidoo kale Baydhabo waxay kamid tahay magaalooyinka ugu badan ee ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay, kuwaasi oo inta badan noloshooda ay ku tiirsan tahay waxyaabaha ay keenaan hay’ddaha samafalka.

Laakiin sheeko aan qarsoneyn oo muddo soo jirtay ayaa ah in madaxda deegaanada ay musuq baahsan kula kacaan lacagaha joogtada loo siiyo dadka nugul ee degan kaamamka.

Sheeko caan ka aheyd kaamamka Muqdisho, Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa hadda caalami noqotay oo ay xogteeda heleen hay’addaha bixiya gargaarka.

Hay’addaha samafalka ayaa ogaaday in dadka nugul lagu qasbo inay bixiyaan kala bar lacagaha loogu tala-galay si kaararka loo siiyo, qaarna kaararkoodii ayaa dad kale oo aan barakac aheyn laga iibsaday.

Musuqan ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin milkiilayaasha dhulka, maamulka degmooyinka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka.

Baaritaan ay Qaramada Midoobay sameysay ayaa keenay in Midowga Yurub si kumeel-gaar ah u hakiyaan dhaqaalihii ay siin jireen hay’adda cunnada adduunka ee WFP qeybteeda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku tagrifal lagu sameeyay gargaarkeeda.

Dalal badan ayaa taageera mashruuca cunnada adduunka ee WFP. Illaa 7 Milyan oo dollar oo Soomaaliya loogu tala-galay ayuu Midowga Yurub ku caafiyay WFP sanadkii lasoo dhaafay.

Hakadka kumeel-gaarka ah ayuu isbeddelkiisa ku xirnaan doona sida loo kala shaandheeyo la howl-galayaasha ku sugan Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal u hadlay Midowga Yurub.

Haddaba, sidee loo dhacaa lacagaha gargaarka ee Soomaaliya?

Waxaa jira kaarar nooca shirkadaha isgaarsiinta ah oo la siiyo dadka kusoo barakacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lacago loogu shubo dadka barakaca ah.

Xogaha laga helayo ayaa sheegaysa in laba qaab loo musuq-maasuq, mid waa in dadka danyarta ah lagu qasbo in lacagta la kala barto oo ay bar iyagu qaatan, iyada oo barka kale ay qaadanayaan qofka degmada xukuma, horjoogaha kaamka, shaqaalaha samafalka iyo ciidanka.

Habka labaad ee la isku dhaco waa diiwaan-gelin been abuur ah, oo kadibna keenta in kaararka laga iibsado dad aan barakac aheyn oo magaaladooda ka shaqeysta, kuwaas oo iibsanaya kaarar badan maadaama ay bil walba lacagta kusoo dhacdo.

Waxa jira dad aan barakac aheyn oo haysta illaa 10 kaar oo ay iibsadeen, mid walbana bishii kusoo dhaceyso lacag u dhaxeysa 75 dollar illaa 120 dollar. Isagu halmar ayuu lacag dhowr boqol dollar ah ku iibsaday laakiin bil walba ayuu ka badan ka helaa.

Kaararkan waxaa bixiya hay’adda kala duwan, waana midda keenta in lacagaha qaar socdaan afar billood oo xiriir ah, qaar lix billood oo xiriir ah, qaarna sanad iyo ka badan.

Musuqan noocaan ah ee bahalnimada ah ayaa soo jiray ku dhawaad tobankii sanno ee lasoo dhaafay. Dowladda Soomaaliya uma badna in aysan xog ka hayn arrintaan laakiin weli wax tallaabo ah kama qaadin, waxayna soo gaartay in maanta ogaadan hay’addihii caalamiga ah.

Saddex billood kahor WFP iyo USAID waxay hakiyeen cuntadii gargaarka aheyd ee ay siin jireen waddanka Itoobiya, si ay uga jawaabaan xatooyada baahsan ee lagu hayo gargaarka.

Foolxumadan dhaaftay sharciga iyo bini’aadannimadaba ee waqtiga fog lagu dhacayay dadka kusoo barakacay kaamamka ku yaalla Soomaaliya , waana mid u baahan wax ka qabasho deg deg ah iyo inay dowladda iska saarto masuuliyad gaar ah.