Xujada madaxweyne Xasan hortaalla si uu meel-maro qorshihiisa doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya hal maamul oo awood ahaan dalka ka wada taliya majiro maanta. Iyada oo dadka markii horeba qabiil qabiil u kala dageen wixii ka dambeeyay 1991, ayaa haddana nidaamka federaalka siyaasad ahaan dadka sii kala miiray.

Awaamiirta kasoo baxda Muqdisho ma saameyso Hargeysa, Garoowe iyo Kismaayo, halkaasi oo maamullada ka jira ay gooni udaaq yihiin.

Muqdisho oo ah magaalada qura ee hadda gacanta ugu jirta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo fog dadkeedu sugayeen inay dowladda ku hoggaamiso in ay isdoortaan.

Bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023 wuxuu Golaha Wadatashiga Qaran ku heshiiyay in bisha June ee 2024 la qabto doorashada dowladaha hoose oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

11 maalmood oo qura ayaa ka dhiman balantaas, dabcan wax tallaabo ahna looma qaadin illaa hadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu tobankiisi qudbo ee ugu dambeysay uu ku dhaartay in uusan aqbaleynin wax aan aheyn doorasho qof iyo cod ah. Laakiin illaa hadda majirto cid madaxweynaha ku tiri “doorasho dalka oo dhan ah inta aad baacsan maxaa ka hortaagan in aad Muqdisho doorasho geliso”.

Madaxweynaha si ku talo-gal ah ayuu qodobkii Maqaamka caasimadda uga saaray cutubka labaad ee dastuurka, waxa uuna geeyay cutubka shanaad, taas oo dadka fahamsiisay in aanay wax xiriir ah laheyn hadallada iyo ficilada madaxweynaha.

Xasan Sheekh isaga oo aan Muqdisho doorasho ka qaban, in uusan dalka oo dhan doorasho qof iyo cod ah ka qaban karin qof walba ayaa garan karta, laakiin waxaa yaab ah in aysan illaa iyo hadda madaxweynaha miiska u saarneyn, waana midda dadka qaar ka keenta doodda ah in aysan madaxweynaha dhab ka aheyn sheegashadiisa doorasho qof iyo cod ah, balse beddelkeeda uu rabo inuu usii gogol xaaro muddo kororsi sharci darro ah iyo madax furasho qaran.

Shirkii Xamar kusoo idlaaday Jimcihii, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dib usoo celiyay xujadii heshiisyaddii hore, iyada oo lagu baaqay in arrimihii hore loogu balamay la fuliyo. Waxaana balamadii hore kamid ah doorashooyinka dowladaha hoose oo ay Muqdisho-na ku jirto.

Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu furo xujada doorashada Muqdisho ayaa lagala doodi karaan inuu dalka gelin karo doorasho qof iyo cod ah, laakiin ninka caasimadda uu ka taliyo gole deegaan xitaa u dhisi la’a suurta-gal ma ahan inay Soomaalida kala dooddo doorasho guud oo dalka oo dhan taabaneysa.