Xuseen Carab Ciise oo soo bandhigay 3 shardi in lagu xiro siyaasiyiinta Somaliland ee xilka ka qabanaya DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa markii u horeysay si qoto dheer uga hadlay arrinta siyaasiyiinta reer Somaliland ee jooga magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii ay ku laabanayaan Somaliland ka tanaasula Midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xuseen Carab ayaa soo jeediyay in shuruud lagu xiro siyaasiyiinta Somaliland ee imanaya Muqdisho, kuwaasi oo ugu yeeray ‘siyaasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada’, si lamid ah sida ay Somaliland shuruudo hor leh ugu xirto siyaasiyiinta Soomaaliya ee u safraya deegaanadeeda.

“Siyaasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada ayagoo shaqadu kala muhiimsan tahay qadiyadda midnimada. Maalintii ay shaqadu ka dhammaatana dib ugu noqda ayagoo cafis waydiisanaya Somaliland,” ayuu yiri Xuseen Carab.

Waxa uu soo jeediyay in saddex shardi lagu xiro siyaasiyiintaasi intii aanay xil ka qaban Soomaaliya, dalkana ku nolaadaan si toos ah 3 ilaa 5 sanadood si ay u kala bartaan dadka ay doonayaan in ay mansab u qabtaan kuwaasi oo kala ah; 1. In uu cafiso weydiisto Soomaaliya. 2. Haddii uu xil nooca uu doono ka hayo Somaliland iska casilo iyo 3. In uu caddeeyo inuu ka noqday fikirkii gooni-goosadka.

“Su’aasha u baahan la is weydiyaa waa, sidee buu qof system doonaya in uu naga go’o u soo dhaartay kitaabna gacanta u galiyay maanta noo oran karaa midnimo ayaan aminsanahay isaga oo aan shacabka Soomaaliyeed hortooda ka caddayn sida anigaba i qabta haddii aan is dhaho Somaliland tag”.

Sidoo kale waxa uu xusay in siyaasiga xil kasoo qabta Somaliland uu ku dhaarto qadiyada iyo dastuurkeeda dhigaya inay ka go’day Soomaaliya, midaasina ay lagama maarman uga dhigayso in la marsiiyo shuruudaha uu sheegay.

Xuseen Carab ayaa ku doodaya in siyaasiyiinta Somaliland loola dhaqmo sida ay xukuumadoodu ula macaamisho kuwa ka safraya magaalada Muqdisho, islamarkaana ay muhiim tahay in siyaasiyiinta ka imanaya Somaliland ay cadeeyan mowqifkooda midnimada, oo ay ka tanaasulaan qadiyada gooni-goosaadka.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in arrintan aysan khuseyn shacabka degan Somaliland ee aan mansab iyo mas’uuliyad soo qaban, kuwaasi oo iyagu la xuquuq ah Shacabka Soomaaliyeed meelka kasta oo ay joogaan.