Muqdisho (Caasimada Online) – Sii haya xilka wasiirka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee DF Somalia, Siciid C/laahi Maxamed Dani, ayaa sheegay in Heshiis ay la gaareen Dowlada Turkiga.
Siciid C/laahi , ayaa sheegay socdaal ay ku gaaren Magaalada Istanbuul ay halkaasi uga qeybgaleen kulamo iyo shirar kala duwan oo ay la qaadanayeen Madaxda dalkaasi Turkiga.
Waxa uu sheegay in inta ay joogen Istanbuul ay heshiis la saxiixdeen Wasiirka wasaarada horumarinta dalka turkiaga iyo wasaarada iskaasiga.
Heshiiskaas ayuu wasiirku sheegay in uu salka ku hayey iskaashiga labada dalka gaar ahaana in soomaaliya laga taageero dhinacyo badan haba ugu darnaadaanee dhinacyada isweydaarsiga macluumaadka labada dal iyo horumarinta Soomaaliya.
Sidoo kale, C/laahi Maxamed Dani Siiyahaha wasiirka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadii kalsoonida lagala laabtay ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada Turkiga mashaariic kala duwan ka fulisay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,waxaana hada ka socda Muqdisho howlo ay wado Turkiga.
Dhanka kale, Wuxuu si gaaar ah ugu amaanay xukuumada Ankara taakuleyntii Shacabka Soomaaliyeed ay ka heleen Turkiga markii abaarta ka dhacday Soomaaliya sanadkii 2011.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com