25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

130 qof iyo gaadiid badan oo lagu afduubtay Sh/Dhexe

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahhinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dad shacab ah iyo gaadiid ay la socdeen oo Axaddii lagu afduubtay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan.

Gaadiidkan oo ka baxay Muqdisho ayaa lasoo wariyay inay kusii jeedeen magaalada Gaalkacyo balse waxaa lagu afduubtay aagga Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaga guddiga gaadiidka u safra degmada Gaalkacyo Maxamed Daahir Cirbeere oo wareysi siiyay Shabelel Tv ayaa sheegay in gaadiidka la afduubtay ay gaarayaan illaa 7 baabuur, ayna la socdeen dad gaaraya illaa 130 qof oo rakaab ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiidka iyo shacabka la afduubtay la geeyay aagga deegaanka Nuur Dugle, halkaas oo ay ku haystaan maleeshiyaadkii afduubtay.

“Baabuurtii maanta Xamar ka baxday dhammaantood si qabiiliyan ah oo oo cad ayaa ciidamada shaar dowladeed wata waxay ka qabsadeen meel u dhexeysa Wargaadhi iyo Cad-cadey, ka bacdina 7 baabuur ayay afduubteen, dadkii iyo baabuurtiina waxa ay geeyeen meel Nuur Dugle u dhow” ayuu wareysiga ku yiri Maxamed Daahir Cirbeere.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gawaarida la afduubtay waxaa saaran dad gaaraya illaa 130 qof oo ilmo, waayeello iyo dad xanuunsan ay ku jiraan”.

Maxamed Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in afduubkan uu yahay mid aargudasho ah, isla markaana uu la xariiro afduub kale oo horay uga dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u digay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda HirShabelle oo uu ugu baaqay in dadkaasi lasoo badbaadiyo, ayna ku baxaan xaaladda soo korortay.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan kasoo kordhay colaado horle, waxaana ugu dambeysay shalay oo deegaan hoostaga degmada Cadale lagu dilay laba nin oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale,

Labada nin ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxa uu u shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taala deegaanka, halka midka kalana uu ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaala halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay isku dayo dhowr ah, waxayna ciidamo gaysay gobolka, si ay uga hortagaan dagaal beeleedyada, balse ma joogsan, waxaana weli halkoodii ah xiisadaha colaadeed ee ka jira deegaannada maamulka HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News