28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

2 ka mid ah xildhibaanadii ugu miisaanka cuslaa UPD & Himilo Qaran oo is-casilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah xildhibaanadii ugu miisaanka cuslaa ee xisbiyada UPD iyo HIMILO QARAN ayaa ku dhowaaqay inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen kana baxeen.

Xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay inuu iska casilay xilka guddoomiye ku-xigeenka xisbiga UPD, kana tagay xubinnimadii xisbiga.

“Waxaan doonayaa inaan shacabka u xaqiijiyo in mowqifkeyga ku aadan xukuumadda hadda jirta uu sidiisa u taagan yahay. Waxaan sii wadi doonaa inaan la xisaabtamo hoggaanka liita ee dalka, waxaana raadin doonaa Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ku hesho hoogaan wanaagsan,” ayuu yiri xildhibaan Cabdifataax.

Warqad taas la mid ah oo uu soo saaray, ayuu isna xildhibaan Xuseen Carab Ciise isaga casilay guddiga fulinta Himilo Qaran, kana baxay xisbigaas.

Labada xildhibaanba waxay kasoo jeedaan gobollada Waqooyi, mana ayasan shaacin wax sabab ah oo ku aadan sababta ay isku casileen.

Hase yeeshee xubno ka mid ah xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran, ayaa Caasimada Online u sheegay in labadan xildhibaan aysan la dhacsaneyn qaabka ay wax u wadaan xisbiyada mucaaradka, iyo in mucaaradooda ay u arkaan mid aan dhameystirneyn.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saacada ama maalmaha soo socda ay xubno kale ay iska casili doonaan labadan xisbi, kuwaas oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi.

Hoos ka aqriso labada warqad ee ay soo saareen labada xildhibaan 

- Advertisement -

Read more

Local News