27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

6 ilaa 8 Febraayo maxaa ka dhacaya magaalada Muqdisho (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin cusub oo dhanka amaanka ah oo loo jeedinayo shacabka Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in laga bilaabo maalinta beri ah la xirayo dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho, oo dadweynaha ay adeegsan jireen.

Masuuliyiinta maamulka gobolka ayaa sheegay in waddooyinka loo xirayo doorashada madaxweynaha ee la filayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ayaa loo ogolaan doonaa inay lugta kaliya isticmaalaan kaliya, waxaana gabi ahaanba la joojinayaa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Adkeynta amaanka magaalada Muqdisho ayaa waxaa sanadkaan qeyb ka ah kaamirooyin casri ah oo lagu xiray waddooyinka magaalada Muqdisho.

Waxaana waddooyinka ay xirnaan doonaan ilaa doorashada madaxweynaha, sida masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News