Muqdisho (Caasimada online) Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya dib ugu soo laabtay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kadib safaro uu dalka dibadiisa mudooyinka ugu maqnaa, waxaana maanta Garoonka diyaradaha Muqdisho maanta loogu soo dhaweeyay si heer sare ah .
So dhaweynta Ra’isul wasaare Saacid waxaa qeyb ka ahaa Xubno ka mid ah golaha wasiirada Xukuumadda iyo Baarlaaanka Soomaaliya iyo waliba Shacab weyne aad u fara badan .
Markii uu muqdisho Soo gaaray Cabdi Faarax Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayuu shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana uu ka warbixiyay Safaradii uu ku kala bixyay Dalalka Yeman iyo Suciidiga iyo Heshiiskii Banki-ga aduunka ee Sacuudiga ay kula saxiixdeen madaxda Banki-gaas iyo Xukuumadda Soomaaliya.
Saacid, wuxuu sheegay in Bank-ga aduunka uu Soomaaliya ugu deeqay lacago Fara badan taas oo Soomaaliya dhinacyo badan ka caawin karta sida uu sheegay .
Sidoo kale Dowlada Yeman ayuu sheegay in madaxdeeda uu kala soo hadlay arimo ay ka mid yihiin sidoo loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal .
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya
DHAGEYSO-RA-SIIUL-WASAARAHA-SOOMAALIYA
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho