Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Taabacsan Col. Barre Hiiraale, ayaa daaha ka rogay in Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo R/W C/weli Sheekh uu saameyn adag ku yeeshay wada hadalkii kala dhexeeyay Maamulka KMG Jubba.
Saraakiisha ayaa sheegay in Khilaafka labada Mas’uul uu sii lumiyay Rajadii laga qabay Wada hadalkii qabyada u ahaa Col. Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe, waxa ayna Cadeeyen in dhankooda ay Khilaafka u arkaan mid niyad jab ku beeray.
Dhanka kale, waxa ay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha dalka ugu baaqen in si degdeg ah ay kusoo afmeeran Khilaafkooda, islamarkaana ay dib u eegan dhibaatooyinka heysta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Beesha Caalamka ayaa ku gacanseertay xal ka gaarista Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo R/W C/weli, iyadoona labada Mas’uul uu mid waliba xalinta Khilaafkaasi xujo uga dhigay qaadashada go’aanada xafiiskiisa laga soo saaro.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

