Waxaa beryahaan inoo muuqda in howlihii gaabiska ahaa, ee hor u socodka dowladnimo, uu ku yimid Joogsi aan yaqiinsasho laheyn.
Waxa la sugaayay ewelba, uma muuqan gulufleyn, balse, waxay u muuqdeen hadaaftinimo, bulshadana waxay ahaayeen ,kuwa aaminsanaa in rajo shaki ku jirta muuqatay, Haddase xaalku wax kalaa muuqdo.
Waxaa muhiima, in Bini’aadamku uu taariikhda wax ka barto, Haddii kale waxaa la noqonaa, kuwa aan dhaamin Xayawaanka kale. Bal, aan dib u jalleecno taariikhaha, Qarniyadii 16aad iyo 17aad, waxaa loogu yeeraa “Casrul Tanwiir”, Qarnigii Iftiinka. Xiligaas waxaa dhacay dhacdooyin taariikhda galay… Waxaa bilawday in dadweynuhu ay ka faaloodaan (Awoodaha Boqorka iyo tan Kaniisadda) ee waagaas ahaa awoodaha kaliya ee ka jiray Wadamada Yurub.
Haddaba, maxaa dhacay, oo ay sameeyeen Dadweynuhu? Dhacdadii ugu mhiimsaneyd ,waxeey ahaayd Kacdoonkii ka dhacay dalka France 1789kii, kaas oo ahaa Kacdoon looga soo hor jeeday Boqorkii waagaas, wixii dhacayna, waxaa laga helaa taariikhaha qoran.
Charles Louis de Montesquieu, Waxuu ahaa falsafo yaqaan Fransiis ah, Waxuu ahaa ninkii qabay in awoodda maamulka la qaybiyo, si ay u timaad dheellitir miisaaman. Fikirka ama aragtida Falsafayaqaankaas ayaana hana qaadday wixii waagaas ka dambeeyay. Isaga waxuu noqday ninka taariikhda galay, ee lahaa Dimuqraadiyada maanta caalamka oo dhan laga yaqaan, ee ah, in maamulka dawladnimo yeesho ,Saddexda weji een maanta naqaan, ee kala ah:
1- Awoodda Sharci dejinta.: Waa awoodda ugu sarreyso ee sharci dejinta, waa meesha, wax lagu kala gooyo, oo ay taal widdida Soofeysan ee wax kala jarto.
2- Awoodda Fulinta: Waa awood fulineed ku shaqeysa xeerarka iyo talooyinka golaha sharci dejinta .
3- Awoodda Garsoorka: Waa Awood ka madax banaan, awoodaha kale, Waa midda looga fadhiyo, ineey sharciyadii la dejiyay, wax ku kala saarto.
Haddaba, Sida aan la wada soconno , Dalkeenna waxuu ka mid yahay waddamadaas ku shaqeeya nidaamkaas aan soo sheegnay!!, Waddamada nala qaatayse, dhib kuma qabaan, innaguse, wax kastaa ,mar kastaa iyo meel kasta, waa Jiq.
Waxaa haboon in la isweydiiyo, sabatu maxay tahay? Xaggee la iska heystaa? Inteey sartu ka qurunsan tahay? Waa su’aallo meesha ku jira. Ogoobeey, waxaa dad lagu yahay in la xisaabtami karo oo caqliga Eebe nagu manaystay laga faa’iideysan karo.
Marka, maxaa naga maqan oo kallifaaya in tiihaan aan dhammaan lagu jahawareero? Waxaan isleeyahay waa biseyl la’aan guud, Waa Damiir la’aan, waa Aragtidii Caan baxday ee noqotay “CADYAHOOW KU CUN AMA KU CIIDEE”,Waa “NIN QOYAN BIYA ISKAMA DHOWRO”,
Bal aan dib ugu soo noqdo, Halka sartu ka qurunsan tahay. Waxaan soo xusay inaan yagleelannay “Haykalkii Dawladnimo”, inkasta ay kala dhantaalnaasho jirto, haddana, wax uun waa muuqdaan.. Saddexda aan soo sheegnay, waxa ugu awoodda badan oo ah Marjacii sharciyada, Shacabkanna wakiilka ka ah, waa Awoodda Sharci dejinta. Maantase, waxa bukaa waa iyadii.. Waxaad mooddaa ineey Xildhibaanada qaarkood moodaan, ineey yihiin lama taabtaan Xasaanad leh.
Waxeey moogyihiin ineey yihiin KMG , oo dadka ay metelaan,kala noqon karaan matalaaddaas. Waxeey Xildhibaanadaas qaarkood moodaan, in kuwa ay metelaan yihiin, kuwa aan jirin..Xaalkuse saas maahan..Waxaa muuqdo ,arrin kale oo iyagu aaney arkeyn..Waa dareenka muuqdo iyo feejignaanta shacabka..Shacab kacay, lama hor istaagi karo, mana indha la’ Shacabka, oo indhahiisu waa furan yihiin. Waxeey arkaayaan Tvyada, oo soo bandhigaayo waxyaabaha adduunweynaha ka dhacaayo.
Golaha sharci dejinta iyo fulinta dadka ku jiraa, waa kala mustawo, nasiib darraduse, waxey tahay, in kuwii Cilmiga iyo Shahaaddada sheeganayay qaarkood, ay yihiin kuwa dhibka jiraa xuddunta u ah..Waa Mushkilo aan xal laheyn ,(HADDII DAMIIRKU DHINTO), Aqoontuna kala saari weyso Xumaha iyo sammaanta, Saxa iyo khaladka..Naxariista iyo naxariis darrada.
Barwaaqada iyo gaajada..aqoonta iyo jahliga.. Waxey ila tahay in xaalku joogo, Cabbirkii Faylasuulkii Suugaanta Soomaalida, Rabbi ha u naxariistee Abwaan Xasan Sheekh Muumin, iyadaana rabaa inaan ku soo qatimo, Inta qoramadaan ka dhimanna , Shacabka ayaan u daayay, waana tan Suugaantii Abwaan Xasan Sh.Muumin:
Qofkii Cudur Dilaayo
Dawadaa Bogsiisee
Haday Dawo Bukooto
Maxaa Lagu Dabiibaa?
Waa Tilmaan Leh Daahoo
Degdeg Kuma Haboonee
Adoo Degan Ufiirsoo
Ujeedada Ideeqsii
Dalaalimada Diintiyo
Distoorka Iyo Xeerka
Haddii Dabool Lasaaro
Dawo Bukootay Weeyee
Waa Su’aal Da’weynoo
Madaxa Daalinaysee
Wixii Lagu Dabiibi
Dadweynahaa La Weydiin.
Waxaa Qoray:
Xuseen M.Cabdulle “WADAAD
[email protected]