29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

BEESHA caalamka iyo XASAN oo wada qorshe aan R/W C/weli u cuntameynin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Villa Somalia, ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha DF Somalia, ay wadaan Qorsho ay R/W C/weli Sheekh ku qancinayaan.

Qorshahaani ayaa la sheegayaa inay wado Beesha Caalamka, kaasi oo lagu doonaayo in R/W C/weli looga dhaadhacsiiyo inuu Iska Casilo xilka Ra’isul wasaarenimo.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in kulan xasaasi ah uu Villa Somalia ku dhex maray Madaxweyne Xasan iyo R/W C/weli kulankaasi oo la tilmaamay in Madaxweynaha uu C/weli uga codsanaayay inuu xilka iska casilo si xal looga gaaro Khilaafka baahay.

Labada Mas’uul ayaa waxa ay kulanka uga wada hadleen sida ugu macquulsan ee lagu dhameyn karo Khilaafka dabo dheeraaday ee u dhaxeeya, inkastoo warar hoose ay tibaaxayaan in kulankaasi uu kusoo dhamaaday Natiijo la’aan.

Beesha caalamaka ayaa in muddo ah la safneyd ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, mana cadda waxa iminka is-beddelay ee keenay qorshahan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News